Baarlamaanka Labada Aqal ee Cusub oo Manta la Dhaariyay ,Yeyshayna...

Baarlamaanka Labada Aqal ee Cusub oo Manta la Dhaariyay ,Yeyshayna Guddoomiyaal KMG ah

0
SHARE

Baarlamaanka Cusub ee Maanta la dhaariyay ayaa Doortay Guddoomiye KMG ah oo Xilka sii hayn doona inta la dooran doono Guddoomiyaha Baarlamaanka Aqalka Hoose,waxaana noqday Cismaan Cilmi Boqore  oo hadda ah Shaqsiga ugu da’da weyn Xubnaha Aqalka Hoose.

Sidoo kale Guddoomiyaha KMG ah Ee Xubnaha Aqalka Sare ayaa loo doortay Maxamed Xuseen Raage (Surweel weyne)  oo asna ah Ruuxii ugu da’da weynaa Xubnaha Aqalka Sare.

Baarlamanaka ayaa sidoo kale dooran doona Guddiga Doorashada Guddoonka Labada Aqal iyo Xubnihii kale ee ka shaqeyn lahaa Doorashada Guddoonka Labada Aqal.

LEAVE A REPLY