Ciidanka Liyuu Booliska Ethopia oo Dad ka Soo Jeeda Galmudug ku Layay...

Ciidanka Liyuu Booliska Ethopia oo Dad ka Soo Jeeda Galmudug ku Layay tuulada Dudun oo kutaala xuduudka Soomaaliya iyo Ethiopia ee dhinaca gobolka Mudug

0
SHARE

Wararka nagasoo gaaraya deegaanka Xanan oo katirsan tuulada Dudun oo kutaala xuduudka Soomaaliya iyo  Ethiopia ee dhinaca gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu halkaas ka dhacay iska hor imaad dhexmaray maleyshiyo beeleed iyo ciidamo Liyuu Boolis Ee Itoobiya.

Iska hor imaadkaan oo dhaliyay khasaare dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dambeeyay kadib markii shalay deegaankaasi uu maamulka gobolka Mudug ka taagay calanka Soomaaliya iyo midka Puntland islamarkaana laga dhigax dhigay xarumo caafimaadka, saldhig boolis iyo ceelbiyood.

Wararka aan helayno waxay sheegayaan in dowlad  Ethiopia ay ka xumaaday tilaabadaas kadibn ay ciidankooda usoo direen si ay ula wareegaan, waxaana kadib ka dhacay iska hor imaad xoogan oo dhaliyay in saddex kamid maleyshiyadii deegaanka ah ay halkaas ku dhinteen.

Ciidamada Liyuu Booliska ayaa burburiyay meesha calanka Soomaaliya iyo kan Puntland laga taagay,waxayna guud ahaanba la wareegeen gacan ku haynta deeganaka.

LEAVE A REPLY