Ciidanka Liyuu Booliska Ethopia oo Joojiyay Ceelal laga Qodayay Degano Mudug ka...

Ciidanka Liyuu Booliska Ethopia oo Joojiyay Ceelal laga Qodayay Degano Mudug ka Tirsan Wararkii Ugu Danbeeyay

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo :.- Xisado Colaadeed aya laga Soo Shegaya  Degano Hoos Taga Gobalka Mudug Halkaasi oo ay ciidanka Liyuu booliska soo gaareen waxana  deganka xanaan  shaqaaqo ay ku dhax martay ciidanka liyuu booliska ,  ciidnaka puntland iyo xoolo dhaqato isku garab ah

Wafdi uu hogaaminayo wasiirka wasaarada deegaankaPuntland Mudane Cali Cabdulaahi Warsame aya u Anabaxay  baxay deegaanka Tuulo Xanaan oo shalay Xiisad coladeed kasoo cusboonaatay ayaa halkaasi ka bilaabay kulamo kadib Ciidanka Liyuu booliska ay Degankaasi soo buuxdhafiyeen.

Wasiirka deegaanka iyo gudoomiyaha gobolka koox xildhibaano ah oo ka scoda  Puntland ayaa kulamo gooni gooni ah la qaatay waxgaradka deegaanka iyagoo kala hadlayey sidii loo xoojin lahaa xabad joojin shalay looga dhawaqay deegaankaasi dadkii dirirtu ku dhexmartay.

Sidoo kale waxaa dhanka ismaamulka Soomaalida Itoobiyaha ka socda shirar kale oo gudoomiye ku xigeenka gobolka Doollo oo ka qayb ah shirka lagu dhex dhexaadinayo dadka dirirtu ay shalay ku dhex martay deegaankaasi.

Ciidanka ayaa bilaabay in baaritaan ku sameeyaan dadka qaar ee xaafadaha taasi oo keentay in cabsi xoogan soo wajahdo Dadkaasi.

Joojinta ceelasha ayaa imaanaya iyadoo Puntland halkaasi ka bilowday mashruuc lagu dhisayo Ceelal biyood taasi dagaal xoogan ka dhasha

Wixii Warar ah o ku soo kordha Kala Soco Hobyomedia.com

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.