Daawo Sawirada Ciidamada Galmudug,Taliska 21aad ee Xooga Dalka iyo Ciidanka Amisom...

Daawo Sawirada Ciidamada Galmudug,Taliska 21aad ee Xooga Dalka iyo Ciidanka Amisom oo Weeray ku ah Deganada Shabab ay Galmudug Kaga Sugan yihin

0
SHARE
Taliska ciidanka xoogga dalka qaybtooda 21-aad ee ku sugan Galmudug iyo ciidamada AMISOM ayaa si wada jir ah ugu diyaar garoobaya hawlgal ka dhan ah kooxda shabaab, kaas oo looga saarayo deegaanada ay wali kaga harsanyihiin Mudug iyo Galgaduud.
Ciidamada ayaa maanta kormeer ku sameeyay deegaano dhawr ah oo hoos yimaada magaalada Cadaado, kaas oo looga gol leeyahay in lagu xoojiyo wada shaqaynta Ciidamada.
Ammaanduulaha qaybta 21aad Janaraal C/laahi Aadan Xuseen ( Cirro) ayaa sheegay in ay qaadi doonaan dhawaan hawlgal deegaanada Galmudug looga  cirib tirayo kooxda Shabaab.
Taliye ku xigeenka Ciidanka Burundi ee ku sugan Cadaado ee qaybta ka ah hawlgalka AMISOM Major Emmanuel Ndayishimiye ayaa sheegay in uu ku faraxsanyahay in maanta ay hawlo shaqo ku yimaadaan deegaano ka baxsan Cadaado, ayna la hawlgali doonaan ciidanka xoogga qaybtooda Galmudug ku sugan.
DSC00814DSC00820DSC00821DSC00825DSC00828DSC00812 (2)DSC00820 (1)DSC00836DSC00809DSC00812 (3)

LEAVE A REPLY