Daawo Sawirada Dhismaha Isbitaalka Degmada Bandiiradley oo Heer gaba gabo ah ku...

Daawo Sawirada Dhismaha Isbitaalka Degmada Bandiiradley oo Heer gaba gabo ah ku dhaw

0
SHARE

Waxaa Hadda Heer gaba gabo ah maraya dhismaha Isbitaalka Guud ee Degmada Bandiiradley ee Gobolka Mudug ee Dowladda Galmudug.

Guddoomiyaha Degmada Bandiiradley ee Dowladda Galmudug C/risaaq Axmed Jaamac Dhalaweyn oo la hadlay Warbaahinta Galmudug ayaa sheegay in Hadda Isbitaalka uu marayo Marxalad gaba gabo ah islamarkaana dhawaan uu bilaabi doono Howlihii uu Bulshada u qaban jiray.

Guddoomiye C/risaaq ayaa ugu baaqay Jaaliyadda Reer Galmudug ee Dibadaha ku nool in ay ka qeyb qaataan dhismaha Isbitaalka islamarkaana ay bixiyaan Qarashaadka Shaqaalaha Isbitaalka Hawlgala si Bulshada Degmada ku nool ay u helaan Adeeg Caafimaad oo Hufan oo ay uga Maarmaan Adeegyada kale ee Maalaha ka baxsan Degmada ay u aadayaan.

Halkaan Hoose ka daawo Sawiradda Dhismaha Isbitaalka Guud ee Degmada

LEAVE A REPLY