Daawo Sawirada Gadiid wada Ganacsi kala duwan oo Ku Xaniban Waqooyiga Gaalkacyo...

Daawo Sawirada Gadiid wada Ganacsi kala duwan oo Ku Xaniban Waqooyiga Gaalkacyo ilaa iyo Hada ,ixo Xiisado Hor leh oo la Soo Shegayo

0
SHARE

Gaadiid xamuul ah oo tiradoodu ku dhow dahay boqol gaari, ayna ku raran yihiin badeecooyin ganacsi oo ay ka soo qaadeen dekeda magaalada Boosaaso ayaa ku dhowaad muddo todobaad ah ku xaniban woqooyiga magaalada Gaalkacyo.

Gaadiidkan ayaa ku soo jeeday magaalooyin ka tirsan bartamaha iyo koonfurta Somalia oo laga leeyahay badeecooyinka ganacsi ee ay wadaan.

Ciidamada Puntland ayaa woqooyiga Gaalkacyo ku xanibay gaadiidkan iyagoo fulinaya amar horey uga soo baxay Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland oo lagu diidayo in Gaadiidka Puntland u gudbaan Bartamaha iyo Koonfurta Soomaaliya, kuwa dhinaca kale ka yimidna ay Puntland u talaabaan.

Madaxweyne Ku-xigeenka Puntland ayaa amarkan ku sababayeey talaabo lagu sugayo amaanka, wuxuuna sheegay in badeecadaha u kala socda labada dhinac ay tahay iney ku kala wareegaan magaalada Gaalkacyo.

Inta badan gaadiidka halkaas ku xaniban oo sida rar culus ayaa la sheegay inay ka qarxeen lugihii ama Taayaradii.

Shaqaalaha Isbitaalka Gaalkacyo ayaa sheegay in loo keenay dad ku soo dhaawacay shil uu waddo qardo jeex ah ku galay mid ka mid ah gaadiidka ku xaniban Kontaroolka Waqooyi ee ka dib markii uu isku dayay inuu ka dhuunto goobta baabuurtu ku xaniban tahay.

Madaxweynihii hore ee Puntland Cabdiraxmaan Maxamed Faroole oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Garowe ayaa ku eedeeyey xubno ka tirsan maamulka iney xanibeen ganacsigii furnaa ee u dhexeeyay Puntland iyo goboladda kale ee dalka.

Wuxuu sheegay in xubno kooban oo ka tirsan Maamulka Puntland ay masuul ka yihiin xayiraada ganacsigii furnaa ee Gaalkacyo, wuxuuna ku tilmaamay inay yihiin dagaal oogayaal cusub.

Ganacsatada uu u raran yahay gaadiidkan ayaa diidan iney gaadiid kale u kireeyaan badeecadaha saaran gaadiidkan xaniban, si loo gaarsiiyo degaanada uu ku socdo, iyagoo ka cararaya qarash badan oo ku baxaya.


LEAVE A REPLY