Daawo Sawirada in Ka Badan 120 oo ka Qalin jabisay Dugsiga Farsamada...

Daawo Sawirada in Ka Badan 120 oo ka Qalin jabisay Dugsiga Farsamada Mudug technical ee Gaalkacyo

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo Inka badan 120 arday ayaa ka qalin jabiyay dugsiga fardamada Gacanta ee Mudug technical waxaana xaflada qalin jabinta ka Qeybgalay masuuliyiin ka tirsan  Dowlad Gobaleedka Soomaliyeed ee Galmudug,

Hay,adaha SOSDA iyo DARYEEL ayaa Gacanta ku haya schoolkan waxaana loogu talagalay in xirfado ay ka bartaa dhalinyarada Galmudug.

Maxamed daahir oo ah maamulaha schoolka mudug technical ayaa sheegay in 120 arday ee ka qalinjabisay schoolka ay barteen xirfado kala duwan islamarkaana lasiyay sidoo kale Qalabkii ay ku hawlgali lahaayeen

Ardaydan Qalin Jabisay aya la Filaya in ay Aqoontada ay Barteen uga Sii Faaideyn Doonan Bulshada Gobalka Waxana loogu Baaqay in Bulshada Kale ee Mudug ay Wax sii Baran si kor u Qaadida Aqoonta ay Qayb Uga Qaataan

HM__Xafiiska Gaalkacyo  Mudug. Somalia 

W:Q::-Hanad Abdi Farah

LEAVE A REPLY