Dhageyso Galmudug Rashinkii loogu Deeqay oo Shaqsiaad Gaar ah ay Diiden in...

Dhageyso Galmudug Rashinkii loogu Deeqay oo Shaqsiaad Gaar ah ay Diiden in ay Bixaan , Aqriso Magaca Shaqsiga Rashinka Haysta, iyo Abaaro Xogan oo la Soo Shegayo

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo::-Maamulka Galmudug ayaa Markii ugu horeysay ka hadlay Raashin Gargaar ah oo Dowladda Dalka Turkiga ay ugu deeqday Maamul Goboleedka Galmudug.

Shire Xirsi Maxamed Wasiirka  Wasaaradda Gargaarka  Galmudug oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Raashinkaas Deeqda ah uu u xayiran yahay Ganacsato islamarkaana aysan garaneyn Sababta ka dambeysa.

Wasiirka Gargaarka Galmudug ayaa intaa ku daray in Madaxweynaha Galmudug C/kariin Guuleed oo og yahay Raashinka xayiran,waxaana uu Xusay Wasiirku in Madaxweyne Guuleed uu dhawaan Warqad qoray si raashinka loo fasaxo loona gaarsiiyo dadkii loogu talo galay,balse aysan weli dhicin in la fasaxo Raashinka.

Halkan Hoose Riix si aad u Dhagayso Codka 

LEAVE A REPLY