Gaari dareys ciidan & qalab kale u waday Al-shabaab oo lagu qabtay...

Gaari dareys ciidan & qalab kale u waday Al-shabaab oo lagu qabtay gobolka Gedo (Daawo Sawirro)

0
SHARE

Ciidamada Itoobiya ee ku sugan degmada Luuq ee gobolka Gedo ayaa maanta halkaas ku qabtay gaari xamuul ah oo la sheegay inuu qalab kala duwan u waday Xarakada Al-Shabaab.

Saraakiisha maamulka degmada Luuq ayaa sheegay in gaarigan uu ka yimid degmada Doolow, kuna sii jeeday dhinaca magaalada Baydhabo.

Waxay intaa ku dareen in gaariga oo laga shakiyey markii la baaray laga helay Kaartoono ay ku jireen dareyska cagaaran ee lagu yaqaano dagaalyahanada Al-Shabaab, dawooyinka loo isticmaalo dhaawacyada iyo waxyaabo kale.

Ciidamada Itoobiya ayaa xabsiga dhigay darawalkii gaarigan waday oo magaciisa lagu sheegay Cali Afartan, iyadoo darawalku sheegay in rag ganacsato ay u soo dhiibeen si uu gaarsiiyo degaano ku dhow Baydhabo uusana waxba kala socon qalabkan iney leeyihiin Al-shabaab iyo in kale.




LEAVE A REPLY