Obama oo Mareykanka ka Eryay 35 diblomaasiyiin u dhashay Ruushka iyo...

Obama oo Mareykanka ka Eryay 35 diblomaasiyiin u dhashay Ruushka iyo Ruusha Ruushka oo Shegay in Jawaab ay ka bixin doonaa eryidda diblomaasiyiintii Joogay USA

0
SHARE

Ruushka ayaa ballanqaaday inuu jawaab adag ka bixin doono go’aanka uu madaxweyne Obama ku eryay 35 diblomaasiyiin u dhashay Ruushka.

Afhayeen u hadlay madaxweyne Vladimir Putin ayaa sheegay in jawaabta uu Ruushku bixin doono ay Mareykanka u keeni doonto ‘raaxo-darro weyn”.

Wasaraadda arrimaha dibedda ayaa sheegtay in jawaabta Ruushka la shaacin doono maanta oo Jimco ah.

Madaxweyne Obama ayaa amar ku bixiyey in la eryo diblomaasiyiintaasi taasoo jawaab u ah wax uu ku tilmaamay bahdilka ay xukuumadda Ruushku ku hayso saraakiil Maraykan ah iyo arrimihii weerarka xagga Internetka ee xilligii ay doorashadu socotay.

Mr Obama ayaa ku tilmaamay tallaabadaas inay tahay jawaab ku haboon juhdiga ay Ruushku galiyeen inay ku waxyeelleeyaan danaha Maraykanka.

Laba dhisme oo Ruushku leeyahay ayaa la xiray, waxaana xayiraad la saari doonaa shakhsiyaad la magac dhebey.

Heerkii ugu hooseeyey ayuu gaaray xiriirka Maraykanka iyo RuushkaHeerkii ugu hooseeyey ayuu gaaray xiriirka Maraykanka iyo Ruushka

Waaxda arrimaha dibadda ayaa ku dhawaaqday in 35 diblomaasi oo Ruush ah dalka laga eryey, kuwaasoo ka hawl galayey safaaradda Ruushka ee Washington iyo qunsuliyadda Ruushka ee San Francisco, waxaana iyaga iyo qoysaskooda loo qabtay inay 72 saacadood uga baxaan Maraykanka.

Talaabooyin kale oo dheeraad ah ayuu sheegay Mr Obama inay xigi doonaan, kuwaasoo aan dhamaantood la shaacin.

Afhayeen u hadlay Kremlin-ka ayaa xayiraadaha ku tilmaamay kuwo aan sharci ku fadhin, wuxuuna intaa ku daray in madaxweyne Vladimir Putin uu ka baaraan degayo inuu qaado tallaabooyin kuwaas la mid ah.

LEAVE A REPLY