Ciidamo Puntland ay Geysay Aaaga Hore Goobihii Ciidamada Galmudug iyo puntland ay...

Ciidamo Puntland ay Geysay Aaaga Hore Goobihii Ciidamada Galmudug iyo puntland ay ku Dagaalameen

0
SHARE

Xiisad  Colaadeed oo Hore leh  una  dhexeeysa Ciidamada Maamulada Puntland iyo Galmudug ayaa Saaka ka jirta Magaalada Gaalkacyo ee Xarunta Gobolka Mudug.

Xiisadda ayaa timid ka dib Dagaal Shalay ka dhacay Magaalada Gaalkacyo oo dhimasho iyo dhaawac Sababay.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Maamulada Puntland iyo Galmudug ay Magaalada geeyeen Ciidamo aad u badan,iyadoo laga Cabsi qabo inuu Dagaal dhexmaro Labada dhinac.

Bilowgii Bishaan December ayey aheyd markii Maamulada Galmudug iyo Puntland ku Heshiiyeen Magaalada Gaalkacyo,iyadoo sidoo kale uu dhowr jeer dhacay Dagaal Labada dhinac dhexmaray.

LEAVE A REPLY