Daawo Sawirada: Meydadka Raggii saaka weeraray hotelka Dayax oo la soo bandhigay

Daawo Sawirada: Meydadka Raggii saaka weeraray hotelka Dayax oo la soo bandhigay

0
SHARE

Laamaha amaanka dowlada Somalia ayaa soo bandhigay meydadka illaa afar nin oo ka mid ahaa kooxihii maanta weeraray hotelka Dayax ee magaalada Muqdisho. kuwaasoo ka tirsana kooxda al-shabaab.

Wasiirka amniga Xukuumadda Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay in kooxdii weerarka soo qaaday ay gaareysay illaa iyo shan nin, kuwaasoo uu xusay in afar ka mid ah ay toogteen ciidamada amniga, halka ninka shanaadka uu isqarxiyey intii u howlgalku socday.

Cabdirisaaq Cumar Maxamed ayaa sheegay kooxaha weerarka soo qaaday aysan gelin hotelka, wuxuuna xusay in labo ka mid ah lagu toogtay barxada hotel dayax, labada kalena lagu dilay dhisme hotelka ku dhegan oo ay galeen muddo saacado ahna ka dagaalamayeen.

Saraakiisha laamaha amaanka ayaa baaritaano ku sameynaya meydadka kooxaha weerarka soo qaaday, iyagoo isku dayaya iney ogaadaan halka ay ka yimaadeen iyo haddii ay ku jiraan kuwo qurbaha ka yimid.

Weerarkii maanta ayuu wasiirku sheegay iney ku dhinteen ugu yaraan 10 qof qof halka ay ku dhaawacmeen 51 qof, inkastoo tirada wasiirku sheegay la ogaaday in khasaaruhu ka badan yahay.







LEAVE A REPLY