faah Faahino kasoo baxaya Qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

faah Faahino kasoo baxaya Qarax maanta ka dhacay magaalada Muqdisho

0
SHARE

Waxaa barqonimadii maanta qarax gaari lagu soo xiray uu ka dhacay agagaarka Shineemo Soomaalliya oo kutaala laamiga Maka Al Mukarama ee Magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku heleyno Qaraxan ayaa lagu soo xiray gaari uu lahaa nin u shaqeeya Dowlada, waxa uuna qaraxu dhacay xili ninkii gaarigaasi watay uu meel baakimay kana degay gaariga.

Ma jirto wax qasaaro ah oo ka dhashay gaarigaasa qaraxa lagu soo xiray, waxaana qaraxan ka bad baaday ninkii la doonayay in lagu wax yeelo , ilaa hadana ma jirto cid sheegatay masuuliyada qaraxasai.

Qaraxyada gaadiidka la isugu soo xiro ayaa inta badan waxa ay waxyeelo gaarsiisaa darawalada xiligaasi wada gawaarida qaraxa lagu xiro , waxaana inta badan qaraxyadan ay yihiin kuwa ka dhaca magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY