Abshir Bukhaari oo ku Guuleystay Guddoomiye Kuxigeenka Aqalka Sare

Abshir Bukhaari oo ku Guuleystay Guddoomiye Kuxigeenka Aqalka Sare

0
SHARE

Abshir Maxamed Axmed (Abshir Bukaari) ayaa ku soo baxay Doorashada Guddoomiye Kuxigeenka Aqalka Sare ee Soomaaliya,waxaana uu noqday Guddoomiye Kuxigeenka Kowaad.

Abshir Bukhaari ayaa helay 30 Cod,waxaana uu ka Guuleystay Xildhibaan Cabdi Dhuxulow Dhagdheer oo asna helay 22 Cod Wareegii ugu dambeeyay.

Doorashada Guddoomiye Kuxigeenka Labaad ee Aqalka sare oo ay ku Tartamayaan 7 Musharax ayaa hadda ka socota Xarunta Aqalka Sare oo laga dhigay Dugsigii hore ee Agoota.

LEAVE A REPLY