Al Shabaab oo Goob Fagaare ah ku toogtay Sadex nin oo Gacantooda...

Al Shabaab oo Goob Fagaare ah ku toogtay Sadex nin oo Gacantooda ku jiray (Aqriso Magacyada)

0
SHARE

Xarakada Al Shabaab ayaa fagaare kuyaala deegaanka Yaaq-Baraawe ee gobolka Bay ku toogtay sadex nin ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen Jawaasiis la shaqeysa dowlada Federaalka Soomaaliya, Kenya iyo Sirdoonka Dowlada Mareykanka.

Maxkamad ay leeyihiin kooxda Al Shabaab ayaa sadaxdan nin ku riday xukun dil ah kadib markii ay sheegtay Maxkamada in ragaasi qirteen in ay ahaayeen jawaasiis la shaqeysa Sirdoonka Dowladaha Soomaaliya ,Kenya iyo Mareykanka.

Raga dilay ayaa waxaa kamid ahaa C/llaahi daamey Maxamed Nuur oo 36 sana jir, ninkan ayaa Al Shabaab waxa ay ku eedeeyeen in uu la shaqeenayay Sirdoonka Mareykanka ee ku sugan garoonka Beli-Doogle , waxa ayna Shabaab sheegeen in ninkan qalabka baabuurta lagu dhajiyo uu doonayay in uu ku xiro gaadiid ay lahaayeen Saraakiil Al Shabaaab katirsan.

Max’medIiimaan Xasan oo 42 sana jir ah ayaa Shabaab isna ku eedeeyeen in uu la shaqeenayay sirdoonka Maamulka Jubbaland uuna u qaabilsanaa sidoo kale Ciidamada Kenya sahminta marka ay howlgalo ka sameenayaan gobolka Jubada Hoose.

Ninka Sedexaad ay toogteen Al Shabaab ayaa lagu magacaabaa Maxamed shariif Cali 21 sana jir ah, waxa ayna ninkan ku eedeeyeen Al Shabaab in uu la shaqeenayay Sirdoon caalami ah oo ku sugan magaalada Kismaayo uuna u gudbin jiray xogaha iyo dhaq dhaqaaqa Al Shabaab.

Kooxda Al Shabaab ayaa marar badan deegaano ay maamulaan ku toogtay rag ay ku eedeeyeen in ay ahaayeen Jawaasiis cadowgooda la shaqeeya, waxaana raga la dilay qaarkood ku jira kuwa kooxdaasi xubno ka ahaa.

LEAVE A REPLY