Booliska Germalka oo Xabsiga Dhigay Nin la Casheeyay ninkii Lagu Tuhunsana in...

Booliska Germalka oo Xabsiga Dhigay Nin la Casheeyay ninkii Lagu Tuhunsana in uu Germalka Weeraray

0
SHARE

Booliska dalka Jarmalka gaar ahaan magaalada Berlin ayaa xabsiga dhigey nin ka soo jeeda dalka Tunisia kaasoo lagu tuhunsan yahay inay isla casheeyeen Anis Amri oo ah ninkii ka dambeeyay weerarkii Berlin.

Weerarkan oo dhacay 19kii December  2016 ayaa waxaa ku dhintey 12 ruux, ninka lagu tuhunsanaa weerarka inuu ka dambeeyay Anis Amri ayaa ka baxsaday dalka Jarmalka balse waxaa toogasho ku diley ciidamada Talyaaniga isagoo doonayay inuu ka raaco tareen magaalada Milan.

Dambi baarayaasha ayaa aaminsan in ninka la xirey oo magaciisa lagu soo gaabiyay Bilel A 26 jirna ah uu wax ka qorsheeyay weerarkii lagu qaaday suuqa Berlin ee loo adeegsaday gaariga weyn amaba inuu ugu yaraan wax ka ogaa.

Afhayeen u hadashay Dambi baarayaasha ayaa sheegtay in ninka la xirey ay is yiqiineen Amir illaa iyo dhamaadkii 2015kii,ayna ku kulmeen baar ku yaal magaalada Berlin habeenkii ka horeeyay weerarkii lagu qaaday suuqa ayna dhex martay sheeko kulul.

Ninka lagu tuhunsan yahay inuu xiriir la lahaa Amri ayaa la baaray guriga uu ka degen yahay xero dadka magangalyo doonka ah ay ku nool yihiin.

Booliska Jarmalka ayaa waxaa ay haatan rumeysan yihiin in uu Amri ahaa ninkii sida tooska ah uga dambeeyay weerarkii lagu qaaday suuq ku yaal magaalada Berlin.

Weerarkan kadib ayaa siyaasiyiinta dalka Jarmalka gaar ahaan mucaaradka waxa ay aad ugu dhaliileen dowlada ay hogaamiso Angela Merkel  siyaasadeeda dadka soo galootiga ah.

gaariga-weerarka

LEAVE A REPLY