( Daawo Sawirada -Cadeyn Rasmi ah) Ururka Ahlusunna oo Xariirka ka...

( Daawo Sawirada -Cadeyn Rasmi ah) Ururka Ahlusunna oo Xariirka ka dhaxeya Maamulka Puntland oo Bananka u soo baxday kadib markii la arkay…

0
SHARE

Maamulka Puntland ayaa Alsuffa  waxaa ay kala wareegtay Nin lagu eedeyay dilkii dhawaan ka dhacay tuulada Magacley oo hoos tagta degmada Burtinle ee gobolka Nugaal.

Ninkaas oo la sheegay Markii uu dilka geystay u baxsaday Dhinaca Deegaanada gobolada dhexe gaar ahaana goobaha ay Maamulaan Ahlusunna aljameeca.

Xuseen Ibrahim Yuusuf, oo dil u geystay marxuum lagu magacaabi jiray Cabdirisaaq Cabdulaahi Darroor, ayaa soo qabashadiisa waxaa ku guulaystay maamulka Ahlusunna ee gobolada dhexe.

Shasigan lagu eedeeyay in qof shacab ah ku soo dilay deegaanada Puntaland ayaa laga soo qabtay degmada Dhuusamareeb ee xarunta gobolka Galgaduud..

Taliyaha qeybta booliska gobolka Mudug ee Puntland Kornayl Cismaan Xasan Cowke ayaa u mahad celiyay maamulka Ahlusunn oo xil weyn iska saaray inay qabtaan dambiilahaan, isagoo taliyuhu sheegay tilaabadaan inay qeyb ka tahay wada shaqeynta labada dhinac.

Maamulada Ahlusunna iyo Puntland ayaa inta abdan feker ahaan isku soo dhow iyadoona la sheego in Puntland ay taageerto Maamulka Ahlusunna oo si weyn uga soo horjeeda Maamulka Galmudug.

w1-1w2-1w3-1

LEAVE A REPLY