Daawo Sawirada iskuulka Hobyo oo Qaybbtiisii 1aad Gaban Gabo ah iyo Jaaliyada...

Daawo Sawirada iskuulka Hobyo oo Qaybbtiisii 1aad Gaban Gabo ah iyo Jaaliyada Galmudug ee USA oo Kaalin wayn ka Qaadatay

0
SHARE

Warbixin dhamaadka dhismihii iskoolka magaala xeebeedka ganacsiga Galmudug ee Hobyo. Qeytiisi koowaad oo gaban gabo ah iyo mahadcelin jaaliyadda Galmudug ee USA.

Anigoo ah gudoomiyaha guddiga howl fulinta Hay,adda Samafalka Duale kahiye Foundation Waxaan umahad celinahaya Walaalaha Jaaliyadda Galmudug ee USA sidii ey uga qeeyb qaateen Dhismaha iskoolka magaalada Hobyo iyo kulamadii aan la qaatay sidii ey ii qadariyeen oo ey Usoo dhaweeyeen in ey ka qeeyb qaadanahayaan dhismaha iskoolka  magaalada Hobyo.Waxaan kaloo umahad celinahaya Walaalihii Jaaliyadaha Galmudug oo horay dhimaha iskoolka Hobyo uga qeeyb qaatay sida Jaaliyadda Galmudug SWEDEN,HOLAND,UK,KANADA,NEYROBI Iyo USA

Iskoolka magaalada Hobyo oo muddo todobaatan  sano kabadan wax lugu baranjiray oo duqoobay Oo burburay oo dhismihiisa aas aas laga soo bilaabay hadda waxaa gaban gabo ah qeybtii koowaad.

Waxaan halkaan baaq uga dirahaya walaalihii horay nooga ballan qaaday in ey ka qeeyb qaadaNahayaan qalabeeynta miisado iyo kuraas iyo daryeelka guud ee iskoolka magaalada Hobyo in ey soo dadajiyaan, Si ey uga sii faa ideeystaan ilmaha magaalada hobyo ku dayacan oo waxbarasha la,aantu ku heeysato.

Qeebta labaad oo ah gaban gabada dhamaan dhismaha iskoolka Hobyo waan sii wadeeyna Haddii Rabbi idmo anagoo kaa shaneeyna walaalaha Dalka gudihiisa iyo dibadiisa kala jooga.

Gudoomiyihii hore ee Baarlamaanka Dowlad Goboleedka Galmudug

                                     Moxamed Salad Ducale ..

Hobyomedia.com Xafiiska Gaalkacyo 

Halkan Hoose ka Daawo Sawirada

LEAVE A REPLY