Daawo Sawirada__Dibed-baxyo looga horjeedo Madaxweyne Trump oo ka socda magaalooyinka caalamka qaarkood

Daawo Sawirada__Dibed-baxyo looga horjeedo Madaxweyne Trump oo ka socda magaalooyinka caalamka qaarkood

0
SHARE

Dibed baxyo waaweyn oo looga soo horjeedo Madaxweynaha cusub ee Maraykanka Donald Trump ayaa ka dhacaya magaalooyinka waaweyn ee caalamka qaarkood iyo dalka Maraykanka.

Qiyaastii dad gaaraya 200 kun oo qof ayaa la filayaa inay ka qeybgalaan isu soo baxa dumarka ee Washington ka dhici doono.

Qaban qaabiyayaasha waxay sheegayaan inay shaacin doonaan arrimaha isirka, iyo sinnaanta ragga iyo dumarka iyo arrimo kale, kuwaasoo ay u arkaan inay halis galinyaan inta uu Trump maamulka hayo.

Dibad baxyo ka dhan ah Donald Trump ayaa waxay ka socdaan dalalka Australia, New Zealand iyo Japan, waxaana soo qaban-qaabiyey qaban qaabiyay dumar dalalkaas ku kala nool.

Dibad baxa ugu weyn wuxuu ka dhacay magaalada Sydney ee dalka Australia halkaasoo kumanaan qof oo Trump diidan ay isugu soo baxeen.

Mudaaharaadyada waxay ku saabsan yihiin weerarada la sheegay in Trump uu dumarka ku qaaday iyo dabeecadaha xaqiraadda.

Dadka waxay isugu tageen safaaradaha Mareykanka ee magaalooyiinka ay dibad baxyada ka socdaan.
Waxaa la sheegayaa in caalamka oo dhan ay ka dhicidoonaan 700 oo isu soo baxyo dumar ay dhigayaan oo Trump ka dhan ah.

Gudaha dalka Mareykanka, waxaa la filayaa in isu soo bax weyn oo tobannaan kun oo qof ay kaa qeybgaalaan uu ka dhaco magaalada Washinton.












LEAVE A REPLY