Daawo Sawirro: Madaxweynihii hore ee Maraykanka & xaaskiisa oo loola cararay Isbitaal...

Daawo Sawirro: Madaxweynihii hore ee Maraykanka & xaaskiisa oo loola cararay Isbitaal ku yaalla Houston

0
SHARE

madaxweynihii hore ee dowlada Maraykanka, George H.W Bush iyoxaaskiisa Barbara Bush ayaa loola cararay Isbitaal ku yaal magaalada Houston ee gobolka Texas.

Bush oo da’diisu tahay 92 sano jir ayaa Isbitaalka la dhigay ka dib markii uu ku soo booday xanuunka oof wareenka loo yaqaaan.

Xaaskiisa Barbara oo iyana 91 jir ah ayaa iyadana Isbitaalka la dhigay Arbacadii ka dib markii quffac iyo daal fara badan ay isugu tageen.

wuxuu ku dhashay Bush 12 June 1924 gobolka Massachusetts waxaanu soo qabtay xilal ay ka mid yihiin xildhibaan congress-ka ah, agaasimaha hay’adda sirdoonka ee CIA iyo madaxweyne ku-xigeenkii dowladii Ronald Reagan.

Bush oo ah madaxweynaha ugu da’da wayn madaxweyneyaashii hore ee nool ayaa wuxu dalka ka talinayey intii u dhexeysay 1989-1993, waana madaxweynihii 41aad ee Maraykanka.

Madaxweyne Bush wiilkiisa Goerge W. Bush ayaa isna loo doortay madaxweynaha dalka sannadkii 2000 waxaanu xilkaa hayey laba goor oo isku xiga oo uu noqday madaxweynihii 43 aad ee soo mara dalka.


LEAVE A REPLY