Deg Deg Madaxweynaha Galmudug oo Mooshin Xil Ka Qaadis ah laga Keenay...

Deg Deg Madaxweynaha Galmudug oo Mooshin Xil Ka Qaadis ah laga Keenay Xaalad Xasaasi ah oo Cadaado ka Socot

0
SHARE

Kulan aan Caadi aheyn oo Qaar kamid ah Xildhibaanada Galmudug ay Goor dhaw ku yeesheen Magaalada Cadaado ayey uga hadleen Xaaladda Adag ee dhanka Abaaraha iyo Siyaasadda ee ka jirta Degaanada Galmudug.

Kulanka Baarlamaanka oo ka dhacay Magaalada Cadaado ayaa waxaa Shir Guddoominayay Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad Ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed,waxaana Ajendeyaasha ka mid ahaa Mooshin Xilka qaadis ah oo ay ka keeneen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

46 Xildhibaan oo ka mid ah Baarlamaanka Galmudug ayaa u Codeeyay in Mooshin Xilka qaadis ah laga keeno Madaxweynaha Galmudug,waxaana Diiday Hal Mudane halka mid kale uu ka aamusay.

Madaxweynaha Galmudug ayaa Shalay Joojiyay Dhamaan Shaqada hay’adda Dowladda Galmudug,waxaana muuqata inuu jiro Khilaaf Xoogan oo u dhexeeya Madaxweynaha iyo Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug iyo qaar kamid ah Baarlamaanka Galmudug

LEAVE A REPLY

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.