Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo War Dag Dag ah Cadaado kaga Dhawaaqay...

Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo War Dag Dag ah Cadaado kaga Dhawaaqay Wararkii Ugu Danbeeyay

0
SHARE

Madaxweyne Kuxigeeka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo Saxafadda kula hadlay Magaalada Cadaado oo Xarun KMG ah u ah Galmudug ayaa sheegay in Taliyaha AMISOM iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ay ku Heshiiyeen in Dagaal ka dhan ah Al-shabaab laga bilaabo Galmudug Bisha soo socota Ee February.

Madaxweyne Kuxigeenka ayaa intaa ku daray in Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Xoogga Dalka Ee Maanta soo gaaray Cadaado ay kala hadleen Arrintaasi islamarkaana Howlgalkaasi la bilaabi doono.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka AMISOM iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in ay kulamo la qaataan Xildhibaanada Galmudug oo ay kala hadli doonaan Arrinta ka taagan Cadaado ee ka dhalatay Xilka qaadistii uu Baarlamaanku sheegay in ay ku sameyeen Madaxweyne Guuleed

LEAVE A REPLY