Deg Deg;- Puntland oo looga afduubtay Degmada Qandala. Ee Gobolka Bari

Deg Deg;- Puntland oo looga afduubtay Degmada Qandala. Ee Gobolka Bari

0
SHARE

Wararka naga soo gaaraya magaalada Qandala ayaa xaqiijinaya in ay magaalada Qandala ay Orodku soo galeen ilaa saddex qof oo ka mid ahaa 9kii qof ee ay afduubteen kooxda Daacish.

Goobjooge ku sugan Qandala oo la hadlay Warsidaha Warkeen ayaa u sheegay in xalay ay magaalada soo galeen saddex qof oo ka mid ahaa dadkii gaariga lagala degay hadana ay nabad qabaan.

Wuxuu goobjooga xaqiijiyey in dadka ku haray gacanta Daacish ay ka mid yihiin saraakiil ciidan iyo Oday waayeel ah sida ay ka heleen xogta raga soo baxsaday.

Saaka waxaa deegaanka uu afduubka ka dhacay ku baxay ciidamo ka tirsan kuwa Puntland oo ujeedkoodu yahay soo furashada Raga gacanta ay ku hayaan kooxda Daacish.

LEAVE A REPLY