Dhagayso:Xilka Qaadista Guuleed Ma Xaqbaa Mise Xal [Faallo Xiiso Leh]

Xildhibaanada baarlamaanka galmudug ayaa 8 dii bishaani January ee sanadka 2017 kulan ay ku yeesheen magaalada cadaado ee gobalka galgaduud waxa ay ku shaaciyeen in mooshin xilka qaadis ah ay ka keeneen madaxwaynaha galmudug cabdi kariin xuseen guuleed oo ay sheegeen in uu jabiyay dastuurka u yaala maamulka galmudug

Mooshinkaasi ayaa waxaa soo gudbiyay 50 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka galmudug sida uu sheegay gudoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka galmudug xareed cali xareed

Go.aanka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug

Ka Hor inta aysan mooshinka keenin baarlamaanka galmudug ayaa waxaa la fasaxay xildhibaanada baarlamaabka galmudug oo lagu waday in kala fadhigooda afaraad uu furmo 7dii bishaan January balse kala fadhigaasi dib loo dhigay sida uu ku dhawaaqay gudoomiyaha baarlamaanka galmudug cali gacal casir oo sheegay in 45 cisho oo fasax ah loogu daray baarlamaanka galmudug ayadoo la qaymaynayo xaalada adag ee haatan ka jirta deegaanada galmudug iyo guud ahaanba soomaaliya Laakiinse xildhibaanada baarlamaanka galmudug ayaa go.aankaasi dhag jalaq usiin waxayna si caadi ah kala fadhigooda afaraad ugu furteen magaalada cadaado oo ay kaga dhawaaqeen mooshin ka dhan ah madaxawayne guuleed
Aragtida Guuleed Ee Mooshinka Laga Keenay

C/kariin xuseen guuleed madaxwaynaha galmudug ayaa xiligaasi ku tilmaamay mooshinka laga keenay mid aan haboonayn wuxuuna sheegay in xiligaan lagu jiro xaalad kala guur ah
Baarlamaanka Galmudug Oo Xilka Ka Qaaday Madaxwayne Guuleed
Ka dib dood qaadatay mudo laba maalin ah 10 kii bishaan January xildhibaanada baarlamaanka galmudug ayaa kulan aan caadi ahayn oo ay ku yeesheen magalada cadaado waxa ay kaga doodeen mooshin baarlamaanka horyaalay oo ku saabsanaa in xilka laga qaado madaxwaynaha galmudug baarlamaanka ayaana ucodeeyay mooshinkaasi 54 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka galmudug ayaa ucodeeyay in xilka laga xayuubiyo madaxwaynaha galmudug mana jirin cid diiday ama ka aamustay sida uu sheegay xareed cali xareed gudoomiye ku xigeenka koobaad ee baarlamaanka galmudug oo kala fadhiga shir.gudoominayay
Sharci Ahaanshaha Xilka Qaadista Madaxwaynaha Galmudug
Markii uu soo ifbaxay mooshinka xilka looga qaaday madaxwaynaha galmudug ayaa waxaa dhashay muran ku aadan sharci ahaanshaha mooshinkaasi xilka qaadista ah maadaama uusan joogin gudoomiyaha baarlamaanka galmudug oo safar ugu maqnaa magaalada muqdisho ayna ahayd kala fadhiga in uu furo gudoomiyaha baarlamaanka balse gudoomiyuhu uu baarlamaanka fasaxay hasayeeshee baarlamaanka galmudug ayaa sheegay in mooshinka xilka looga qaaday madaxwayne guuleed uu yahay mid sax ah
Madaxwaynaha Galmudug Oo Ka Hor Yimid In Xilka Laga Qaaday

Madaxwaynaha galmudug c/kariin xuseen guuleed ayaa durbaba ka hadlay mooshinka xilka looga xayuubiyay wuxuuna ku tilmaaamay mid aan sharciyaysnayn maadaama baarlamaanka la fasaxay dadka mooshinkaasi wadayna ay ahaayeen kuwo qaswadayaal ah sida uu ku andacooday c/kariin xuseen guuleed madaxwaynaha galmudug
Go.aanka Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug
Cali gacal casir waa gudoomiyaha baarlamaanka galmudug wuxuu sheegay in baarlamaanka uu u kordhiyay waqtiga fasaxa ayna fasax ku jiraan xildhibaanada baarlamaanka galmudug ayadoo la qaymaynayo abaaraha ka jira deegaanada galmudug iyo doorashooyinka dalka haatan ka socda maamulka galmudug ayuu ku tilmaamay mid curdun ah oo aan wali hana qaadin uuna wado dadaalo badan balse aysan ahayn in laga hordhaco
Aragtida Shacabka Galmudug Ee Xilka Qaadista Guuleed
Go,aanka ay baarlamaanka galmudug xilka kaga qaadeen madaxwayne c/kariin xuseen guuleed ayaa waxaa siyaaba kala duwan uga hadlay shacabka galmudug ayagoo inta badan soo dhaweeyay in xilka laga qaado guuleed balse aysan waqtigaan adag ku haboonayn baarlamaankana looga baahnaa in ay dib udhigaan mooshinkaasi
Wax Qabadkii Galmudug Looga Fadhiyay
Maamulka galmudug ee uu hormuudka ka yahay madaxwayne c/kariin xuseen guuleed oo xilkaas loo doortay 4 July , 2015 oo haatan laga joogo mudo ku dhow laba sano ayaa laga sugayay in uu wax badan u qabto bulshada gobalada dhexe gaar ahaan gobalada mudug iyo galgaduud oo maamulka loo dhisay wuxuuna maamulka galmudug haystay fursado badan oo ay ka mid ahayd dadka gobalada dhexe oo lagu xaman jiray in ay aad udiidi jireen dawladnimada oo markii ugu horaysay usoo jeestay in ay wax qabsadaan oo la tartamaan dalka intiisa kala balse dadka falaqeeya siyaasada galmudug ayaa sheegaya in maamulka galmudug ee uu madaxawaynaha ka yahay c/kariin xuseen guuleed uusan ka faa.idaysan fursadihii horyaalay

Maamulka galmudug ayaa laga sugayay hormarinta deegaanada galmudug iyo dib uhashiisiin uu dhex dhigo dadka reer galmudug ee mudada dheer dirirtu ka dhaxaysay balse maysan dhicin taas
Maxay La Kowsatay Galmudug

Maamulka Galmudug ayaa la kowsaday dagaalo iyo dhibaatooyin hor leh oo aan horay uga jirin deegaanada galmudug xataa markii aysan maamulka lahayn

Dagaalo dhowr ah ayaa ka dhacay deegaano ka tirsan galmudug intii uu xilka hayay c/kariin xuseen guuleed sida dagaalkii uu dhiiga badan ku daatay ee gaalkacyo oo dhacay dhowr jeer una dhexeeeyay galmudug iyo puntland kii ka dhacay xadka galmudug iyo kilinta shanaad iyo dagaalo dhex maray galmudug iyo ahlusuna oo ilaa iyo haatan haysata caasimada galmudug ee dhuusamareeb lagana sugayay in maamulka galmudug uu wada hadal la furo maamulkaasi laakiinse aan lagu guulaysan oo ilaa iyo haatan ahlusuna ay tahay koox si gaar ah uga gadoodsan galmudug

Dhinaca kaabayaasha dhaqaalaha iyo hormarintooda ayaa sidoo kale looga fadhiyay maamulka galmudug sida dhismaha dakada hobyo oo haatan ushaqaysa si kmg ah in kastoo madaxwaynaha galmudug uu dhagax dhigay dhisme cusub oo lagu samaynayo dakada hobyo balse ilaa iyo haatan ma jirto wax dhismaha ah oo dakada hobyo lagu bilaabay
Gunaanad Su,aaasha Is Waydiinta Mudan
Isku soo wada duuboo dadka reer galmudug iyo kuwa soomaaliyeed ayaa siyaaba kala duwan u arka mooshinka xilka looga qaaday madaxwaynaha galmudug c/kariin xuseen guuleed waxayna qaar kood ku tilmaameen mid xaq ah halka kuwo kalana ay ku sheegeen mid xal loo arkay balse su.aasha wali taagan ayaa ah xilka qaadista guuleed ma xaqbaa mise xal

Halkaan Hoose Ka Dhagayso Warbixinta Oo Dhamaystiran uuna Soo Jeedinayo Wariye Mahad America


Fikradaha Akhristayaasha (0)




wararkii Ugu Danbeeyay

Dhageyso Siyaasiyiin Deganada Galmudug ka Soo Jeeda oo madaxweyne Gulled iyo Barlmanka la Hadlay una Cadeeyay in …..
- Jan 16, 2017
HM__Xafiiska Gaalkacyo :-Sayaasiga Cali Amiin Sayid-Axmed oo ku sugan wadanka Uk ayaa ka hadlay ...
Daawo Barlmaanka galmudug ee Madaxweyne Gulled ka Soo Hojeestay oo Shaaciyay in ay Dooranayan Madaxweynaha Cusub ee Galmudug,Xildhibanadii Moshinka waday oo Qaarkood Shirka laga Wayay
- Jan 16, 2017
HM__Xafiiska Cadaado :.-Waxaa Magaalada Cadaado ka socda Kulamada ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug ee ...
Siyaasada Doorashada Madaxweynaha oo Galaangal Cusub ka Dhax abuurtay Kooxda Madaxweyne Xasan iyo madaxweynaha koonfur galbeed Shariif Xasan Shiikh Aadan.Warbixin Xiiso leh
- Jan 16, 2017
Warar laga laga helayo ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegaya in kooxda madaxweyne Xasan ...
Faah Faahino Dheraad ah Ciidamo dheeraad ah oo la geeyay hoteelada magaalada Cadaado iyo shirar ka socdo
- Jan 15, 2017
Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegayain maanta magaaladaasi la ...
Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa doon ku degtey xeebta dalka Libya
- Jan 15, 2017
Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan doon ay saarnaayeen tahriibayaal taasoo ...
Daawo Sawirada Weerarkii degaanka Ceelcadde oo halsano laga joogo
- Jan 15, 2017
Muddo sanad ah ayaa laga joogaa weerarkii Abaabulnaa ee Ururka Al Shabaab ay ku ...
Madaxweyne Ku Xigeenka Galmudug oo War Dag Dag ah Cadaado kaga Dhawaaqay Wararkii Ugu Danbeeyay
- Jan 15, 2017
Madaxweyne Kuxigeeka Dowlad Goboleedka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey oo Saxafadda kula hadlay Magaalada Cadaado ...
Taliyaha Ugu sareeya Ciidanka AMISOM iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Cadaado Maxaa Soo kordhay
- Jan 15, 2017
HM__Xafiiska Cadaado –Taliyaha Ciidamada AMISOM Gen Cismaan Nuur Subagle  iyo Abaanduulaha  Ciidanka Milatariga Soomaaliya Gen ...
Dhageyso Xildhibanadii Shegay in Gulled ay Xilka ka Qadeen oo arin Cusub oo kale Ka Hadlay Maxayse arintaa Tahay ?
- Jan 15, 2017
Xildhibaanadii sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta kulan ay ...
(Dhageyso)W.kuxigeenka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Galmudug Oo Ka Hadlay Arimaha Sportska Iyo Go,aankii Baarlamanka
- Jan 15, 2017
Saadaqa Daahir Mire Wasiir Kuxigeeenka Dhalinyarada Iyo Ciyaaraha Dowlad Goboleedka Galmudug oo waraysi Siiyay ...
Dhageyso Go,aanka Galmudug ay Dul Dhigtay Warbaahinta Maxuu Salka ku haya, Maxayse Warbaahinta u baahiyen in Gulled uu ogalatay Xil ka Qaadistii
- Jan 15, 2017
Warqad  ka soo baxday xafiiska Wasaarada Arimaha Gudaha ee Dowlada Galmudug ayaa lagu amaray ...
Daawo_:-Sheekh Shariif,Cabdraxmaan Faroole iyo Saacid oo ka hadlay Xaaladda ka taagan Gamudug”
- Jan 15, 2017
Kulan ka dhacay magaalada Kampala ee xarunta dalka Uganda ayaa waxaa warmurtiyeed ka soo ...
Wararkii Ugu Dambeeyay Xaalada Cadaado maxaa soo kordhay iyo Xildhibaanada Galmudug oo …
- Jan 14, 2017
Wararka ka imaanaya magaalada Cadaado ayaa sheegaya in xaalad siyaasadeed oo aad u kacsan ...
Daawo Sawirada Kooxda Daacish oo burburisay buundooyinkii isku xirayey bariga iyo galbeedka Mosu
- Jan 14, 2017
Xoogaga Daacish ayaa la soo sheegayaa iney shalay oo Jimce aheyd burburiyeen buundooyinkii isku ...
Dhageyso Waraysi::- Wasiirkii Galmudug ee Xilka laga Qaaday oo Sir Badan ka Shifay” C/kariin Asaga Ayaan Xil Hayn Oo Kalsoonidii Baarlamaanku Kala Laabteen Cid Kalana Xil Kama Qaadi Karo”
- Jan 14, 2017
Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa xilka ka qaaday wasiirka arimaha Gudaha Maamulkaasi Jaamac ...
Gabadh markay dhalatay la xaday oo la helay 18 sano ka dib
- Jan 14, 2017
Gabadh la xaday markii ay ku dhalatay isbitaal ku yaalla gobolka Florida ee dalka ...
Dhageyso Wasiiradii Galmudug oo labo garab u kala Jabay , Wasiiro Sheegay in Barlmaanka ay Go,aan ka Qaateen Gulled oo Mar Hore loo Baahna in Xilka laga Qado Madaxweynaha
- Jan 14, 2017
Kulan ay Maanta Magaalada Muqdisho ku yeesheen Wasiiro, iyo Wasiiro Ku Xigeeno ka tirsan ...
Daawo Sawirada:Xubnaha Labada Aqal Ee Kasoo Jeeda Galmudug Oo Qaadacay Mooshinkii Baarlamaanka Galmudug Ay Xilka Uga Qaadeen Madaxwaynaha Galmudug
- Jan 14, 2017
Mudanayaasha labada aqal ee dawlad goboleedka Galmudug laga soo doorto shir ay isugu yimaadeen ...
Daawo Sawirada iskuulka Hobyo oo Qaybbtiisii 1aad Gaban Gabo ah iyo Jaaliyada Galmudug ee USA oo Kaalin wayn ka Qaadatay
- Jan 14, 2017
Warbixin dhamaadka dhismihii iskoolka magaala xeebeedka ganacsiga Galmudug ee Hobyo. Qeytiisi koowaad oo gaban ...
Dhageyso Urur Diimedka Ahlusunna oo Ka Hadlay Guul Daro ay Shegeen in uu Doorashada kala Kulmay Faarax Sheekh C/qaadir iyo Siyaasada Madaxweyne Xasan
- Jan 13, 2017
Urur Dimmeedka Ahlusunna ayaa waxa uu ka hadlay Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo 11-kii ilaa ...

…..

 
Advertisements