Dhageeyso:-Madaxweyne Puntland Oo Dadka Dhibaateysan U Balan Qaaday Wax Qabad

Dhageeyso:-Madaxweyne Puntland Oo Dadka Dhibaateysan U Balan Qaaday Wax Qabad

0
SHARE

Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Maxamed Cali (Gaas) oo safaro ku maraya Degaanada ay Abaaraha ka jiraan ee Maamulka Puntland ayaa balan qaad u sameeyay Dadka halkaasi ay ku saameeyeen Abaaraha.

C/wali Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha Maamulka Puntland oo shalay gaaray Degmada Xaafuun ee Gobolka Karkaar ayaa waxa uu sheegay Maamulka Puntland in uu dhaqaale dheeri ah uu ku bixinayo sidii loo badbaadin lahaa Dadka ay Abaaraha saameeyeen.

Sidoo kale waxa uu sheegay Madaxweyne Gaas mar walba Puntland in ay diyaar u tahay sidii loo samata bixin lahaa dadka ay Abaartu ku habsatay.

Ugu dambeyntii C/wali Maxamed Cali (Gaas) Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa balan qaaday in Degaanada qaar ee Abaaraha ay ka jiraan laga furi doono xafiisyo si loola socdo dhaq dhaqaaqa dadka halkaasi ku nool.

hooska dhagayso

LEAVE A REPLY