Dhageyso Dowlada Soomaliya oo Si Kulul Uga Hadashay Qaraxyadii Maanta ee Muqdisho...

Dhageyso Dowlada Soomaliya oo Si Kulul Uga Hadashay Qaraxyadii Maanta ee Muqdisho aqriso Qasaraha Qaraxa , Dad Caan ah oo Qaraxa ku dhintay

0
SHARE

Wasiirka Amniga Xukumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed oo Warbaahinta kula hadlay Hotelka Weerarka lagu qaaday ee Dayax Hotel ayaa sheegay in Xogta ay hayaan ay ku dhinteen Weerarka ugu yaraan 10 Qof islamarkaana ay ku dhaawacmeen 51 kale.

Wasiirka ayaa u Mahadceliyay Illaalada Hotelka Dayax oo uu sheegay in ay la dagaalameen Shabaabkii Weerarka soo qaaday.

Wararka Madaxa banaan ayaa sheegaya in Dadka dhintay ay ka badan yihiin illaa 20 Ruux oo Shacab u badan,waxaana Sidoo kale Gudaha Hotelka  lagu Arkay Meydadka Afar kamid ah Shabaab oo ahaa kuwii Weerarka soo qaaday.

Dadka dhintay waxaa kamid ah Labo Malaaq oo si weyn loo yaqaano islamarkaana lagu kala Magacaabo Malaaq Malabow iyo Malaaq  C/rashiid.

Dadka dhaawaca ah ayaa la dhigay intooda badan Isbitaalada Madiina iyo Daarul Shifa.

Halkaan Hoose  ka dhageyso Codka

LEAVE A REPLY