Dhageyso Madaxweyne ku Xigeenka galmudug oo ku Dhawaqay Hadal laga War Sugyay

Dhageyso Madaxweyne ku Xigeenka galmudug oo ku Dhawaqay Hadal laga War Sugyay

0
SHARE

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay saameeyeen guddi heer Wasiiro ah, kuwaas oo ka shaqeyn doona u gar gaarida dadkii ay Abaartu saameysay ee ku nool Degaanada Galmudug.

Maxamed Xaashi Carabey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale waxa uu sheegay sida ugu dhaqsiyaha badan dadkan in wax loogu qaban doono.

Sidoo kale Madaxweyne Carabey ayaa Dowlada Dhexe, Ha’adaha Caalamiga ah iyo dadka wax heysta ugu baaqay in ay gar gaar la soo gaaraan dadkan dhibaateysan.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa ku soo aadaya xilli qeybo badan oo ka mid ah Dalka ay ka jiraan Abaaro daran.

Halkan Hoose Riix si aad Codka u Maqasho

LEAVE A REPLY