HM__Xafiiska Gaalkacyo:.- Warbaahinta idaacada Hobyo aya Markii ugu Horeyay Degmada Bandiiradley ka Hirgalisay idaacada Hobyo Qaybteeda Labaaad Waxana idaacada la Qorsheynaya Maalmaha Soo Socda in hawada ay soo gasho iyadoona Odayaasha iyo Dadka Deganka Bandiiradley ay aad u Soo Dhaweeyeen Balaarinta idaacada Hobyo
Balaarinta idaacada hobyo aya timid Kadib Markii Codsiyo kala Duwan ay maamulka idaacada Hobyo ay soo gaarsiiyeen Dadka Deganka kuwaasi oo codsanaya in Maqalka idaacada Bulshada degnakasi la soo Gaarsiiyo waxana arintaasi kadib dadaal dheeraad ah maamulka uu u galay in idaacada la gaarsiiyo maqalkeeda degankaasi iyadoo halkaasi la gaynayo idaacad FM ah si dadka deganka idaacada xarunta 1aad ee gaalkacyo la gaarsiiyo deganka bandiiradley oo xarunta 2aad noqonaysa
Cabdi Naasir Yusuf Xaashi oo ka Mida Dadka Deganka banfiiradley sida wayn looga yaqaano aya soo Booqday Xarunta idaacada ee laga hirgaliyay degankaasi waxana uu ka hadlay sida ay bulshada degnakasi ay u arkaan furitanka idaacadaasi
Maamulka idaacada hobyo aya shaca ka qaaday in sanadka cusub ee 2017 la qorsheynayo in la balaariyo shaqada iyo maqalka idaacada waxana arintan ay ku soo beegan tahay hirgalinta idaacada xarunta bandiradley xili dhawaan qorshe cusub idaacada ay dajisay taasi oo ku adan balaarinta iyo tayaynayta idaacada sanadka Cusub