Dhageyso-Maxey Tahay Sababta Madaxda Ugu Sareysa Galmudug ay ugu sugan yihiin Muqdisho...

Dhageyso-Maxey Tahay Sababta Madaxda Ugu Sareysa Galmudug ay ugu sugan yihiin Muqdisho xilli ay jiraan

0
SHARE

Magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Soomaliya ayaa waxaa ku sugan Madaxda Ugu Sareysa Dowlada Galmudug oo ugu Horeyo Madaxweynaha Dowlada galmudug iyo Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug kuwasi oo mudda howla shaqa u jooga waxaana ujeedka ay u joogaan lagu sheegay geedi socodka nidaamka Doorshada waxaase arintaasi ay imaaneysaa xilli deeganada Galmudug qaarkoda ay ka jiraan abaaro xoogan oo saameyn ku yeelaty dadka iyo Duunyada.

Wasiirka Dib Heshiinta iyo arimaha Dastuurka Galmudug Maxamed Aadan Socdal kana mid ah wafdiga madaxweynaha ayaa sheegaya in magalada muqdisho ay u joogaan arimo la xariira hormarka galmudug isagoona intasi ku daray in dhawaan ay dib ugu soo laaban doonan deganada Galmudug.

Wasiirka aya intasi ku daray in loga baahan yahay shacabka reer  Galmudug in ay is caawiyaan xilli degano galmudug ay ka jiraan abaaro xoogan oo saameyn ku yeelatay dadka iyo duunyada wuxuuna ugu dambeyntii uu ka hadlay waxqabadka sanadkii tagay ee wasaradiisa.

Hoos ka Dhageyso Wareysi lal yeeshay wasiirka isagoo ku sugan Muqdisho

LEAVE A REPLY