(Dhageyso-Sawiro) Guddiga Nabadeynta Gaalkacyo oo kulan deg deg ah ku yeeshay Gaalkacyo

(Dhageyso-Sawiro) Guddiga Nabadeynta Gaalkacyo oo kulan deg deg ah ku yeeshay Gaalkacyo

0
SHARE

Xilli Maalintii shalay Magalada Muqdisho ee Caasimada Dalka Somaliya ay heshiis ka kooban saddax qodob ay ku gaareen madaxweynayasha Galmudug iyo Puntland kuna saabsan nabadeynta Gaalkacyo ayaa haddane arimahasi waxaa soo dhaweyay gudigi ku howlanaa nabadeynta Gaalkacyo .

kulan Maanta xubnaha guddiga ee kala socda Galmudug iyo puntland ay ku yeesheen bartmaha Magalada Gaalkacyo ayaa waxaa ay kaga hadlee halka uu marayo wada hadalada labada dhinac iyo sida ay u arkaa heshiis shalay muqdisho.

Guddiga aya sheegay in si weyn u soo dhaweynayaan qodobadii shalay lagu gaaray magalada muqdisho iyagoona dhinac kale sheegay in ay sii laba jibaarayan nabadeynta Galkacyo si ay sheegayaa Gudoomiyaha Gobolka mudug Ee Galmudug Cabdirashiid Xaashi Cartan iyo Xasan Maxmed Maxamed Abgalow oo ah Gudoomiyaha Gobolka mudug ee Puntland

Dhinac kale qaar ka mid ah Waxgaradka Magalada Gaalkacyo ayaa soo dhaweyay dadaalada ay wadaan madaxweynasha Galmudug iyo Puntland

Hoos ka Dhageyso Dhamaan Cododka Oo Dhan

  

Hoos ka Daawo Sawirada

dsc00678dsc00683dsc00686dsc00689dsc00700dsc00712nnndsc00714dsc00720dsc00728dsc00706111

LEAVE A REPLY