(Dhageyso) Waraysi Xasaasi ah ::-Madaxweynaha Galmudug oo laga dalbaday inuu Cadaado Si...

(Dhageyso) Waraysi Xasaasi ah ::-Madaxweynaha Galmudug oo laga dalbaday inuu Cadaado Si Dag Dag ah ku yimaado iskana Difaaco Mooshinka ka yaalla

0
SHARE

HM__Xafiiska Gaalkacyo :.-Xildhibaan Faysal Qarni C/dulle oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Galmudug oo Wareysi siiyay Idaacada Risaala ee Muqdisho ayaa sheegay in 3 Maalin gudahood ay kaga dooni doonaan Mooshinka ay ka gudbiyeen Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed.

Waxa uu sheegay in Madaxweynaha Galmudug loogu baahan yahay in uu Baarlamaanka hor yimaada si uu isku difaaco, kana jawaabo Eedeymaha loo jeediyay.

Xildhibaanka ayaa xusay in aysan ka laaban doonin Mooshinkooda ilaa ay ka gaaraan hadafka ay ka leeyin, Waxa uuna tilmaamay in Xildhibanada loogu baahan yahay in ay ka shaqeeyaan hormarinta degaanada Galmudug.

Waxa uu sheegay in ay muhiim tahay in lala yimaado isbadal iyo la Xisaabtan dhab ah oo ku aadan Madaxda Galmudug.

Halkan Hoose Riix si aad Codka u Dhagysatid

LEAVE A REPLY