Dhageyso Xildhibanadii Shegay in Gulled ay Xilka ka Qadeen oo arin Cusub...

Dhageyso Xildhibanadii Shegay in Gulled ay Xilka ka Qadeen oo arin Cusub oo kale Ka Hadlay Maxayse arintaa Tahay ?

0
SHARE

Xildhibaanadii sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweynaha maamulka Galmudug ayaa maanta kulan ay ku yeesheen Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug, waxaa ay ka hadleen dardargelin doorashada Madaxweynaha maamulka Galmudug Waa Sida ay Hadalka u Dhigeen

Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegeen in aysan ka laaban doonin go’aanka ay xilka kaga qaadeen Madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaan Shariif Arwaax oo ka mid ah xildhibaanadii Maanta yeeshay kulanka ayaa  Shegay  in xildhibaanada kulankoodii maanta ay kaga hadleen arimo la xariira doorshada Madaxweynaha maamulka Galmudug.

Dhawaan ayay Ahayd Markii Barlamaanka Galmudug ay Shegen in Gulled ay Xilka ka Qaadeen Waxana Xilkaqaadistasi ay Shegeen lagu Micneeyay in ay tahay Qilaaf taasi oo keentay in beesha Calamka iyo Dowlada Somalia ay Lbada dhinac ugu Baaqdo in wada Hadal ay ku Dhameeyaan Qilaafka jira Balse aysan jirin Cid xilka laga qaaday

Halkaan Hoose ka dhageyso Codka

LEAVE A REPLY