Dhageyso Xildhibankii Hogaamiyay Mooshinkii Gulled Xilka Loga Qaaday oo Lagu Kacay iyo...

Dhageyso Xildhibankii Hogaamiyay Mooshinkii Gulled Xilka Loga Qaaday oo Lagu Kacay iyo Odayasha galmudug oo Shegay in la Soo Xirayo

0
SHARE

Wax garadka Gobolada Galgaduud iyo Mudug ayaa waxaa ay ka hadleen Xiisada Siyaasadeed ee u dhaxeysa Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Galmudug iyo Madaxweynaha Maamulkaasi.

Caaqil Xasan Hilowle Cismaan “Xasan Kacaan” oo ka mid ah waxgaradka ka soo jeeda Deegaanada Galmudug ayaa waxaa uu sheegay talaabadii xilka looga qaaday Madaxweyne Guuleed in ay aheyd mid aan aheyn sharci isagoo intaa raaciyay in lagu xadgudbay dastuurka.

Xasan Kacaan waxaa uu ka dalbaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Cali gacal Casir, Madaxwene Guuleed iyo Ku xigeenkiisa in ay qaadaan talaabo islamarkaan ay soo xiraan Guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug oo amar ay ku bixinayaan waxgaradka Galmudug.

Waxaa uu dhinaca kale ka codsaday Beelaha ay ka soo jeedaan Xildhibaanada iyo Guddoomiye ku xigeenka Xilka ka qaaday Guuleed in ay soo ken sadaan shaqsiyaad lagu bedelo ragan ku xadgudbay Qawaaniinta u degsan Maamulka Galmudug waa sida uu hadalka u dhigay.

Halkan hoose Riix si aad Codka u Dhagaysato

 

LEAVE A REPLY