Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa doon ku degtey xeebta dalka...

Faahfaahin dheeraad ah oo ka soo baxaysa doon ku degtey xeebta dalka Libya

0
SHARE

Waxaa soo baxaya warar dheeraad ah oo ku saabsan doon ay saarnaayeen tahriibayaal taasoo ku degtey badda Mediterranean.

 

Ciidamada ilaalada xeebaha Talyaaniga ayaa la sheegay in ay soo badbaadiyeen 4 qof sidoo kalena ay heleen maydka 9 ruux oo ka mid ahaa dadkii saarnaa doon siday 110 qof taasoo ku degtay xeebaha dalka Liibiya.

Doonta ayaa ku degtay inta u dhaxeysa Liibiya iyo Talyaaniga, halkaasi oo 50km u jirta xeebta Liibiya. Dadka saarnaa doonta ayaa ahaa dad tahriibayaal ah kuwaasoo ka soo cararay wadamo ka mid ah qaarada Afrika.

Illaa iyo hadda lama oga in doontan degtey ay saarnaayeen muhaajiriin Soomaali ah iyadoo sanad walba dhalinyaro Soomaali ah ay ka raacaan doonyo macmal ah xeebaha dalka Libya.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa waxaa ka gudubtay badda Mideterranianka dad kabadan   181,000 kuwaasoo doonayay inay ka helaan nolol wanaagsan wadamada Yurub

LEAVE A REPLY