Gaalkacyo Oo Markii Ugu Horaysay Yeelanaysa Boolis isku dhaf ah iyo Suurtagal...

Gaalkacyo Oo Markii Ugu Horaysay Yeelanaysa Boolis isku dhaf ah iyo Suurtagal nimada..{Warbixin Xiiso leh }

0
SHARE

Magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug ayaa sanado badan waxaa ragaadiyay dagaalo sokeeye oo aan dhamaad lahayn kuwaasi oo dhexmarayay maamulada galmudug iyo puntland.

Dagaalada ayaa sababay in ay hoos u dhacaan dhamaan adeegyadii bulshada iyo hormaradii ay gaari lahayd magaalada gaalkacyo ee xarunta gobalka mudug.

Labada maamul ee galmudug iyo puntland ayaa dhawaan ku hashiiyay in magaalada loosameeyo boolis isku dhaf ah kaasi oo ka hortaga cid kasta oo lid ku ah amaanka gaalkacyo.

Booliska oo ka koobnaan doona labada maamul ayaa si isku mid ah uga howl gali doono koonfurta iyo waqooyiga gaalkacyo oo ay ka samayn doonaan howl galo wada jir ah.

Arigtada Shacabka Gaalkacyo
Shacabka magaalada gaalkacyo ayaa si wayn usoo dhaweeyay talaabada lagu dhisayo boolis wada jir ah oo ay gaalkacyo yeelato waxayna labada maamul ku booriyeen in ay ka dhabeeyaan dhismaha ciidankaasi booliska ah.

Talaabadaan ayaa haday dhaqan gasho noqon doonto in taariiqda markii ugu horaysay ay maamulada galmudug iyo puntland gaalkacyo usameeyaan boolis wada jir ah

Sidee Suuragal Ku Noqon Doonta

dadka falan qeeya arimaha gaalkacyo ayaa qaba in aysan suuragal noqonayn talaabadan in ciidamada gaalkacyo kusugan ee labada maamul la isku daro Balse ay ka wanaagsan tahay in ciidamo kasoo kala jeeda labada dhinac ee dowlada somalia ka tirsan Gaalkacyo la keeno taasi oo ay ku tilmaameen mid suuragalin karta xaqiijinta Nabada gaalkacyo.

Gaalkacyo Nabad

LEAVE A REPLY