Guddoomiyihii Kulbiyoow oo ku dhintay Dagaalkii Saakay dhacay

Guddoomiyihii Kulbiyoow oo ku dhintay Dagaalkii Saakay dhacay

0
SHARE

Kulbiyow–hobyomedia– Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya Degaanka Kulbiyoow ee Gobolka Jubbada Hoose ayaa sheegaya in Shabaabkii qabsaday Degaankaas ay iskaga baxeen,waxaana Magaalada ku soo laabtay Ciidamada Kenya iyo kuwa Dowladda Soomaaliya.

Dadka ku nool Magaalada Kulbiyoow ayaa noo Xaqiijiyay in Xaaladda Magaalada ay hadda degen tahay islamarkaana Magaalada Dusheeda ay dul Heehaabayaan Diyaarado ay leedahay Dowladda Kenya.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Guddoomiyihii Kulbiyoow Maxamed Tooxyare Nuux  uu ku dhintay weerarka, isaga oo ku dhex sugnaa saldhigga markii Shabaabka ay soo weerareen.

Al-shabaab ayaa sheegtay in 57 Askari oo Kenyan ah ay ku dileen Kulbiyoow ayna ku Furteen Hub iyo Gaadiid Dagaal,Balse Kenya waxaa ay beenisay Sheegashada Shabaab,waxaana ay beenisay in Askar intaa le eg looga dilay Dagaalka balse uu Khasaare soo gaaray.

LEAVE A REPLY