Hay,adda MSF oo isbitaalka Gaalkacyo iyo Gobolada Dalka Markale ka Shaqo bilaabeysa,,

Hay,adda MSF oo isbitaalka Gaalkacyo iyo Gobolada Dalka Markale ka Shaqo bilaabeysa,,

0
SHARE

Hay’adda gargaarka caafimaadka ee Dhakhaatiirta aan xudduuda lahayn MSF ayaa maanta ku dhawaaqday in ay hawlaheedii dib uga billaabi doonto Soomaaaliya ka dib markii ay isaga baxday saddex sano ka hor.

Hay’adda Dhakhaatiirta aan xuduudda lahaynna waxay Soomaaliya ka shaqaynaysay muddo labaatan sano ka badan.

Wakiilka MSF Soomaaliya Guatam Chetterje ayaa BBC-da u sheegay in hay’addu ay shaqadeedii dib u billaabi doonto bisha April ee sanadkan.

MSF ayaa joojisay dhammaan barnaamijyadii ay ka waday Soomalaiya sanaddii 2013-kii ka dib markii qaar ka mid ah shaqaalaha hay’adda lagu bartilmaameedsaday weeraro.

Hay’adda ayaa bixin jirtay adeegyo u badan caafimaad iyo nafaqeynta kumanana kun oo caruur ah oo ay barakiciyeen abaaraha iyo colaadda

LEAVE A REPLY