Khilaaf xoog leh oo ka dhex taagan Guddoonka Baarlamaanka Galmudug

Khilaaf xoog leh oo ka dhex taagan Guddoonka Baarlamaanka Galmudug

0
SHARE

Waxaa soo kordhaya khilaaf ka dhex jira baarlamaaka Galmudug iyadoo guddoomiyaha iyo guddoomiye ku xigeenku ay isku hayaan howlaha Baarlamaanka Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ku sugan magaalada Muqdisho ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay waxa uu ku sheegay in muddo 45 casho oo fasax ah loou kordhiyay xildhibaanada Galmudug

Guddoomiye Casir ayaa ku macneeyay sababaha uu u kordhiyay fasaxa inay tahay in dalka hadda uu galayo marxalad doorasho iyo abaaraha ka jira deegaanada Maamulka Galmudug.

Hase yeeshee guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed  ayaa sheegay in loo diiday xildhibaanada baarlamaanka Galmudug inay furtaan kalfadhiga afaraad isagoo sheegay in ciidamada madaxtooyada Galmudug ay ishortaag ku sameeyeen.

Xareed Cali Xareed guddoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug ayaa sheegay in uusan awood u lahayn guddoomiyaha baarlamaanka in uu fasaxo xildhibaanada maadaama uu mooshin ka yaal

LEAVE A REPLY