Madaxweynaha Israa’iil oo Gurigiisa Baaritaan lagu Sameyay iyado Madaxweynaha Wadankaasi Booliska ay...

Madaxweynaha Israa’iil oo Gurigiisa Baaritaan lagu Sameyay iyado Madaxweynaha Wadankaasi Booliska ay waraysanayen in ka badan 5saacadood

0
SHARE

Booliiska Israa’iil ayaa su’aalo laaluush ku saabsan waydiiyay Ra’iisalwasaare Benjamin Netanyahu, waana baaritaankii labaad ee lagu sameeyo todobaadkan gudahiisa.

Warbaahinta gudaha ayaa ku warantay in uu aqbalay hadiyado sharci darro ah oo ay siiyeen dad caan ah oo Israa’iil jooga, ganacsiyo caalami ah iyo waliba Hollywood.

Benjamin Netanyahu ayaa si joogto ah ugu celceliyay in uusan wax khalad ah galin.

Warbaaahintana wuxuu ku eedeeyay in ay yihiin khuraafaad isaga ka soo horjeeda.

Booliiska Israa’iil ayaa sheegay in baareyaashu ay ra”iisal wasaaraha su’aalo ku soo waydiiyeen guriga rasmiga ah ee uu ka dagan yahay magaalada Qudus.

 

Shan saac ayaa la waydiinayay su’aalo la xiriiri eedaymo musuqmaasuq la xiriira iyo arrin kale oo aan la shaacinin.

Netanyahu iyo xaaskiisa Sara ayaa marar kala duwan oo hore lagu soo eedeeyay fadeexado ay ka mid yihiin eedaymo la xiriira in ay si xun u isticmaaleen dhaqaalaha dawladda.

Muddo sanado ah Netanyahu iyo xaaskiisa Sara eedaymo badan ayaa loo soo jeediyay

LEAVE A REPLY