Madaxweynihii hore Sh shariif oo ka hadlay xaalada dalka afarsano iyo sadex...

Madaxweynihii hore Sh shariif oo ka hadlay xaalada dalka afarsano iyo sadex bilood kadib (video) C/aziz Xogolof.

0
SHARE

M/weynihii hore MD. Shariif Sh Ahmed oo afarsano iyo sadex bilood kadib ka hadlay xaalada xun ee dalku kujiro iyo sida uu wax oga qabanayo. GUULIHII EX PRESIDENT SH SHARIIF SH AHMED…

.iyadoo la wada ogyahay kaalintii wanaagsanayd ee madaxweynihii hore uu ka qaatay dowladisii ayaan rabaa inaan halkan kusoo gudbiyo dhowr arimood oo uu ku guulaystay sadex sano iyo sideedii bilood ee uu dalka madaxda ka ahaa…… Siyaasadii wanaagsanayd ee uu ku midooyay dowladisii lagu dhisay Djabuti 2009 iyo Xubnihii ka haray dowladii ka horeysay ee Cabdulahi Yusuf……

. Dec,2008 waxaa si xeeladaysan looga saaray Somalia ciidankii Ethobia ee faraha badnnaa…. Dowladisii ugu horeysay oo uu kusoo daray Aqoonyahano dhalinyaraa oo daganaa dalka dibadiisa…

1- UN-kii oo uu usoo raray Muqdisho

2- Turkiga oo uu keenay Somalia.

3- Doorashadii u horeysay oo lagu qabto caasimada Somalia.

4- Dowladii Kumeelgaarka ahayd oo laga baxay

5- M/weynihii ugu horeeyay oo dib u heshiisiin la fura Somaliland.

6- Aruurintii Saraakiishii sar sare ee Somalia” Shirkii USA lagu qabtay.

LIXDAN qodob iyo siyaasadaha dabacsan ee madaxweynihii hore waxaa la feer dadaalo lagu midaynayo dadka Somaaliyeed oo mudo dheer kujiray dhib…Xafiiskiisu waxa uu ahaa mid dadka u furan oo aad ku arkayso qaybaha kala duwan ee dadka Somaliyeed…

Sh Shariif afartii sano ee u dambaysay waxa uu taqasus kusoo qaatay jaamacada ugu sareysa dalka Maraykanka Harvard iyo jaamacada ugu sareysa Uk ee Oxford, waxa uu isku diyaariya Fahamka caalamka iyo qaabdhismeed hogaamiye dowladnimo hanan kara ogana faa’idaynkara dadkiisa iyo dalkiisa Soomaaliyeed..

Ugu dambayntii waxay Somalia u baahantahay masuul aragti dheer oo dabacsan leh si loo gaaro midnimo iyo dowladnimo ku dhisan cadaalada garsoor leh, Sh Shariif Sh Ahmed waxaan is leeyahay waa masuul diyaarinkara dowlad horey u wada dadka Somaaliyeed oo u baahan inay dhisaaan kalsooni dhexdooda iyagoo hiigsadaana horumarka aduunka.

C/aziz Xogolof.

London,Uk

LEAVE A REPLY