Maxay Cadado u Yimadeen Xildhibanada Aqalka Sare iyo Midka Hoose Xili Cadaado...

Maxay Cadado u Yimadeen Xildhibanada Aqalka Sare iyo Midka Hoose Xili Cadaado Xiisad Kacsanaan ah laga Dareemayo

0
SHARE

Qaar ka mid ah xildhibaanada labada Aqal ee ka soo jeeda dowlad goboleedka Galmudug oo maanta gaaray magaalada Cadaado ayaa bilaabay wadahadalo ay ku xalinayaan xiisada siyaasadeed ee ka jirta Cadaado.

Xubnahan oo uu hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa ayaa kulmo la qaatay qaar ka mid ah Wasiiradda,Xildhibaanada iyo Odayaasha Reer Galmudug ee Cadaado ku sugan iyagoo kala hadli doona sidii xal looga gaari lahaa khilaafka ka jira dowlad goboleedka Galmudug.

Xildhibaanada sheegay inay xilka ka qaadeen Madaxweyne Guuleed ayaa maanta bilaabay in guddigii ay u xilsaareen doorashada Madaxweynaha Galmudug qabashada araajida musharaxiinta Madaxweynaha Galmudug kadib markii ay hore u sheegeen in ay kalsoonida kala laabteen Madaxweyne Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Hase yeeshee go’aanka ay gaareen qaar kamid ah xildhibaanada Galmudug ayaa waxaa ka soo horjeestey hogaamiyaasha Madasha Qaran iyo weliba Beesha Caalamka.

Khilaafka arrimaha siyaasada ee Galmudug ayaa sababay in  shalay iskahorimaad hubeysan ku dhex maro magaalada Cadaado ciidamada Booliska iyo kuwa Nabadsugida iyadoo saddex kamid ah ciidamada dagaalamay ay geeriyoodeen halka shan kalana ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY