Ninkii CIA u waraystay markii Saddam Xuseen la qabtay

Markii gacanta lagu dhigay madaxweynihii hore ee Ciraaq Saddaam Xuseen 2003, waaxda sirdoonka Maraykan ee CIA waxay u baahatay khabiir haybtiisa xaqiijin kara oo su’aalo weydiin kara si xog looga helo. Qofkaas wuxuu ahaa John Nixon.

Nixon wuxuu darsayey Saddaam tan iyo markii uu CIA ku biiray 1998. Kaalintiisa ayaa ahayd inuu xog waafi ah ka uruuriyo hogaamiyeyaasha dunida, oo uu taxliiliyo waxa madaxdaas adkaynaya, wuxuuna uga warramay barnaamijka BBC ee BBC’s Victoria Derbyshire programme.

Wuxuu joogay Ciraaq markii hogaamiyaha xukunka laga tuuray laga helay god ku ag yaallay beer ku tiillay magaaladii uu ka soo jeeday ee Tikrit.

Markii ay akhbaartaas timid, Maraykanku wuxuu u baahday inu isaga xaqiijiuo haybtiisa.

Godkii uu Saddan Xuseen ku dhuumanayay markii la qabtay
Godkii uu Saddan Xuseen ku dhuumanayay markii la qabtay

Waxaa jiray warar la isla dhex marayey xilligaas oo ah in Saddaam uu isbeddel xagga jirka ah ku dhacay, laakin Nixon oo CIA ka tegey 2011 wuxuu yiri ” shaki igama inuu isaga yahay markii aan arkay”.

“Markii aan hadalka ku billaabay wuxuu ii eegay sidii aan muuqaalkiisa ku arkay bug kiisa ah oo miiska xafiiska muddo sanooyin ah ii saarnaa” ayuu yiri.

Your ads will be inserted here by

Easy Plugin for AdSense.

Please go to the plugin admin page to
Paste your ad code OR
Suppress this ad slot.

Nixon wuxuu ahaa qofkii ugu horreeyey ee waraysi dheer oo maalmo qaatay la yeesha Saddaam. Wuxuu qoray bug la magac baxay Debriefing the President: The Interrogation of Saddam Hussein.

Markii Saddam Xuseen la qabtay ka dibMarkii Saddam Xuseen la qabtay ka dib

Wuxuu sheegay in dhinaca insaannimada ee uu ka arkay Saddaam uu aad uga soo horjeeday masawirkii ay warbaahinta Maraykanku ka bixiyeen.

“Wuxuu ka mid ahaa dadka shaqsiyadoodu soo jiidashada leedahay ee aan la kulmay” ayuu yiri, wuxuuse intaa ku daray inuu mararka qaar isku beddelayey qabiix kibir badan oo dabeecad xun.

“su’aal kasta oo aan weydiiyo, mid kale ayuu iigu beddelayey” ayuu yiri. Arrinta ugu muhiimsan oo uu wax ka weydiinayey ayaa ahayd hubka aadka wax u gumaada, taasoo ahayd sababta ugu weyn ee Maraykanka iyo UK ay dagaalka ula galeen.

Sanadkii 2016-kii Saddam waxaa lagu helay in uu galay dambiyo aadanaha ka dhan ah
Sanadkii 2016-kii Saddam waxaa lagu helay in uu galay dambiyo aadanaha ka dhan ah

Nixon wuxuu sheegay inuu ka qajilo wixii Ciraaq ka dhacay tan iyo wixii ka dambeeyey markii xukunka laga tuuray Saddaam Xuseen.

Wuxuu sheegay in maamulkii Bush uusan wax fiiro ah siinin waxa imaan kara marka Saddaam meesha laga saaro. Dhanka soo shaac bixidda kooxaha xagjirka ah, sida kooxda loogu yeero dawladda islaamiga, ayuu sheegay inuu rumaysan yahay in Ciraaq ay wanaagsanaan lahayd haddii uu Saddaam sii joogi lahaa.

Hadalka caynkaas ah waxaa ku gacan sayray ra’iisul wasaarihii hore ee UK Tony Blair oo dalka hogaaminayey wakhtigii duullaanka la qaadayey.

hobyomedia

Fikradaha Akhristayaasha (0)




Wararkii Ugu Danbeeyay

Akhriso Qodob ka mid ahaa heshiiskii Farmaajo iyo Ururu oo aan dhaqangelin
- Nov 21, 2019
Todobo maalmood kaddib heshiiskii Magalaada Nairobi ay ku kala saxiixdeen Madaxweynayaasha Soomaaliya iyo Kenya ...
Akhriso Muxaadaro uu Sheekh Umal ku qabanayo Garoon kuyaala Muqdisho oo laga soo horjeestay
- Nov 21, 2019
Magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya waxaa ku sugan Wadaadka Soomaaliyeed ee caanka ah Sheekh ...
SAWIRO:-Duqa Muqdisho oo xariga ka jaray Xarun dib loo howlgeliyey
- Nov 21, 2019
Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa magaalada Muqdisho mudane Cumar Maxamud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ...
Daawo Qaar ka mida Dadkii ka danbeyay Dilkii Cabduweli Sheekh Cali Cilmi Yare oo dil lGU Xukumay
- Nov 21, 2019
Maxkamada Darajada 1aad ee Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya ayaa Maanta waxaa ay ...
Ciidamo huwan ah oo Al Shabaab kala wareegay deegaano ay gacanta ku hayeen
- Nov 21, 2019
Ciidamo katirsan milatariga Soomaaliya oo garab ka helayay ciidamada maamulka Jubbaland ayaa howlgal milatari ...
Deg Deg Dowlada Soomaaliya oo War kasoo saartay Dilkii Almaas Elman loogu geestay Xalane
- Nov 21, 2019
War Saxaafadeed kasoo baxay Wasaarada Warfaafinta Xukuumada Soomaaliya ayaa lagu cambaareeyay dilkii shalay gudaha ...
Akhriso Ciidanka Dowladda Somaliya oo la wareegtay Ammaanka degaano hor leh oo Hoos taga Galmudug
- Nov 16, 2019
Taliyaha Ciidamada xoogga Soomaaliya qaybta 21aad ayaa ballan qaaday in ay la shaqayn doonaan ...
Maxkamadda Hague oo baaraysa xasuuqa muslimiinta Rohingya
- Nov 16, 2019
Garsoorayaasha Maxkamadda danbiyada caalamiga ah ee Hague ayaa ogolaaday codsi ka yimid dacwad oogayaasha ...
XOGAkhri :Sheikh Shariif oo iska diiday Dalab culus oo ka yimid Madaxda Sare
- Nov 16, 2019
Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheikh Shariif Sheikh Axmed ayaa iska diiday dalab uu hordhigay ...
Daawo Muqaal:Colaadii Xoolo dhaqatada Galmudug iyo Puntland oo Dib u soo Laabatay , iyo odayaashii oo….
- Nov 16, 2019
HM??Xafiiska Gaalkacyo: Warar lagu kalsoon yhay oo ay Helayso Hobyomedia.com aya Sheegaya ...
 
Advertisements