Orodyahanka Mo Farah oo si adag uga hadlay saameynta ay ku yeelaneyso...

Orodyahanka Mo Farah oo si adag uga hadlay saameynta ay ku yeelaneyso noloshiisa amarkii Donald Trump

0
SHARE

Orodyahanka Somali-Biritish-ka ah Mo Farah ayaa walaac kaga muujiyey go’aankii uu Madaxweyne Donald Trump ku xayiray inay dadka Muslimiinta soo galaan Maraykanka.

Waxa uu ugu baaqay Donal Trump in Xayiradda cusub ee Muslimiinta keentay inuusan awoodi karin inuu soo booqdo qoyskiisa oo ku sugan Maraykanka.

Mo Farah oo haysta Labada Dhalasho ee Somali iyo British waxaa haatan laga xayiray inuu galo Maraykanka, halkaasi oo ay ku nool yihiin Xaaskiisa iyo afartiisa carruur.

Qoraal oo uu maanta uu soo dhigay Bartiisa Twitter-ka ayaa sheegay inuu ku noolaa Maraykanka 6-dii sanno ee la soo dhaafay, aadna uu uga shaqeeyey canshuuraha, qeybna ka geysta Tabaruca Bulshadda

“Waxaan aad uga walaacsanahay inaan u sheego Carruurtayda inuusan Aabe awoodi karin inuu yimaado guriga, si uu idinkugu sharxo sababata u soo saaray Madaxweynuhu Siyaasad ka timid meel Jaahilnimo iyo nacayb leh” ayuu sii raaciye Mo Farah.

Trump ayaa soo saaray sharci cusub oo muddo saddex bilood ah looga mamnuucay iney maraykanka soo galaan dadka ka soo jeeda todoba dal oo kala ah Somalia, Syria, Iran, Iraq, Libya, Sudan iyo Yeman.

LEAVE A REPLY