SAWIRO:- Baabuurtii Dowladda Imaaraadka Carabtu Ugu Deeqday Puntland oo la musuqmaasuqay

SAWIRO:- Baabuurtii Dowladda Imaaraadka Carabtu Ugu Deeqday Puntland oo la musuqmaasuqay

0
SHARE

Imaaraadka Carabta ayaa Gaadiid ugu deeqay Puntland bishii June ee sanadkii hore 2016, waxaana laga dajiyay Magaaladda Bosaso Oo Markaas Saxaafada Loo Diiday Inay Wax Badan Ka Ogaato Qaabka Loo isticmaali Doono Baaburta Puntland Loogu Deeqay

 

Gaadiidkaan ayaa gaaraya 98 Gaari, waxaana lagu xareeyay xero. Mudo todoba bilood kadib ayaa waxaa haddana mar labaad laga rarayaa Dekada Bosaso iyagoo loo kala wado Moqdisho iyo Jabuuti Sida Saadaalnews U Sheegeen Rag Ka Tirsan Shaqaalaha Dekeda Bosaaso Oo Magacooda Ka Gaabsaday Inay Noo Sheegaan

 

Xukuumada  Puntland ayaa iibsatay baabuurtaas. Illo lagu kalsoon yahay oo dawladda Puntland katirsan ayaa noo xaqiijiyey Warkaas Oo Hada Shacabka Puntland Bosaaso Ka Hadal Hayaan Saala Xili Hore Ayaa Dekeda Bosaaso La Joojiyaay Isku Socodkii Waxaana La Aaminsan Yahay In Howsha Baaburta  Ay Sabaabu Ahayd Balse Markii Danbe Ayaa Shacabka Loo Ogolaaday Inay Si Caadi Ah Ugalaan Dekeda Bosaaso

 

Wasiirka Dekedaha Puntland Siciid Maxamed Raage Oo Wax Laga Weydiiyay Arintan ayaa ka gaabsaday inuu faah faahin ka Bixiyo

 

LEAVE A REPLY