Taliyaha Ugu sareeya Ciidanka AMISOM iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray...

Taliyaha Ugu sareeya Ciidanka AMISOM iyo Abaanduulaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Cadaado Maxaa Soo kordhay

0
SHARE

HM__Xafiiska Cadaado –Taliyaha Ciidamada AMISOM Gen Cismaan Nuur Subagle  iyo Abaanduulaha  Ciidanka Milatariga Soomaaliya Gen Cali Baashi ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Galmudug.

Wafdiga Taliyaha ugu sareeya Ciidanka AMISOM iyo  Abaanduulaha Milatariga Soomaaliya ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado,waxaa ku soo dhaweeyay Saraakiisha Ciidanka AMISOM iyo kuwa Xoogga Dalka Qeybtooda 21-aad ee ku sugan Gobolada Dhexe ee Dalka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Saraakiisha  tagay Magaalada Cadaado ay la kulmi doonaan Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Xoogga Dalka ee ku sugan Galmudug iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug.

Magaalada Cadaado waxaa ka jira Xiisad Siyaasadeed oo ka dhalatay Xilka qaadistii Baarlamaanku ay sheegeen in ay Kalsoonida kala noqdeen Madaxweyne C/kariin Guuleed.

Madaxweyne Guuleed oo Maalmahaan ku sugnaa Magaalada Cadaado ayaa shalay Gelinkii dambe dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho,iyadoo uusan wax Xal ah ka soo gaarin Xiisadda Gaalkacyo.

 

LEAVE A REPLY