Wafdi ka socda Labada Aqal ee Baarlamaanka oo gaaray Magaalada Cadaado

Wafdi ka socda Labada Aqal ee Baarlamaanka oo gaaray Magaalada Cadaado

0
SHARE

Wafdi isugu jira Labada Aqal  Ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado oo Xarun  KMG u ah Dowlad Goboleedka Galmudug.

Wafdiga ayaa waxaa Hogaaminayay Wasiirka Arrimaha Gudaha Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen Odawaa,waxaana Magaalada Cadaado ay u tageen in ay Xaliyaan Khilaafka ka taagan Magaalada Cadaado ee ka dhashay Go’aankii Baarlamaanka Galmudug ay gaareen.

Wafdiga ayaa la kulmi doona Wasiiradda,Xildhibaanada iyo Odayaasha Reer Galmudug ee Cadaado ku sugan,waxaana ay kala hadli doonaan Sidii Xal looga gaari lahaa Xaaladda ka jirta Magaalada Cadaado.

Odayaasha Magaalada Cadaado ayaa Saakay illaa Maanta sidoo kale waday Dadaalo lagu xalinayo Xiisadda ka jirta Magaalada Cadaado.

LEAVE A REPLY