War Deg Deg ah:- Ammaanka Magaalada Cadaado oo Faraha ka baxay iyo...

War Deg Deg ah:- Ammaanka Magaalada Cadaado oo Faraha ka baxay iyo Musharaxiin Hurineysa Xiisadda

0
SHARE

Gudoomiye ku xigeenka Degmada Cadaado Nuur Yarow Xayle oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in Khilaafka u dhaxeeya Madaxda Maamulka Galmudug iyo Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulkaasi inuu saameyn ku yeeshay amniga Magaalada Cadaado.

Waxa uu sheegay in amniga Magalaada Cadaao uu faraha ka baxay islamarkaana mar walbo ay ka dhacaan dilal iyo dhacdooyin lidi ku ah amniga Magaalada Cadaado.

Waxa uu sheegay in shacabka Magaalada Cadaado ay Cabsi weyn ka qabaan in ay mar kale ay isku dhacaan Ciidamada amaanka ee Maamulka Galmudug, maadaama sida uu sheegay ay Ciidamo badan ku sugan yihiin Cadaado.

Waxa uu Saraakiisha Ciidamada ku sugan Cadaado ugu baaqay in ay ka shaqeeyaan Sugidda amniga Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee Maamulka Galmudug.

LEAVE A REPLY