Xil ka Qaadis lagu Sameeyo Madaxweynaha galmudug Xal ma u Tahay Galmudug...

Xil ka Qaadis lagu Sameeyo Madaxweynaha galmudug Xal ma u Tahay Galmudug iyo Beelaha ku midaysan Yaase Mooshinkaasi Gadaal ka Riixaya Qoromo Xiiso badan

0
SHARE

HM__Xafiiska Cadaado__.-Qas Siyaasadeed oo aad u xoogan ayaa ka taagan magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ee hogaamiyo Cabdikariim Xuseen Guuleed.

In ka badan 64-Xildhibaan ayaa saxiixay Mooshin xilka looga qaadayo Madaxweynaha maamulkaasi iyo Guddoomiyaha Barlamaanka ee Galmudug kuwaasoo ku eedeeyay inay gudan waayeen waajibkii Shaqo ee loogu tala galay isla markaana Musuq-maasuq xargaha goostay ay labadaasi masuul ka geysteen Galmudug.

Xildhibaadaan oo maalmahaan fasax ku maqnaa ayaa Toddobaadkaan waxay dib ugu soo laabteen magaalada Cadaado iyagoo intooda badan ka yimid Muqdisho isla markaana Diyaarado gaar ah lagu soo daad gureeyay taasoo Su’aal culus dhalisay balse warar hoose oo ay Heshay Hobyomedia.com aya sheegaya  in Siyaasiyiin miisaan culus leh oo Xildhibaanimada Dowlada Federaalka kasoo waayay Cadaado ay dabada ka riixayaan Mooshinkaan xilka looga qaadayo Madaxweyne Guuleed iyo Guddoomiyihiisa Barlamaanka Cali Gacal Casir Waxaana  arintan Baaritaano Qarsoodi ah ku Sameeyay Warbaahinta Hobyomedia.com oo ka Faaloota Galmudug Iyo Wararka Caalamka

Maalinimadii shalay “SABTI” ayaa kulan ay Cadaado ku yeelan lahaayeen 64-Xildhibaan ee Mooshinka waday waxaa is hortaagay oo ciidamo ku dalbaday Madaxweyne ku-xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi iyagoo aan wax sabab ah loo sheegin balse ay Xildhibaanada shir jaraa’id ku qabteen afaafka hore ee xarunta Madaxtooyada Cadaado ku tilmaameen falka uu geystay Madaxweyne ku-xigeenka mid uu kusoo amray Madaxweyne Cabdikariim Xuseen Guuleed oo ka war helay Mooshinkaasi ay wadaan ee xilka ugu qaadayaan.

Guddoomiye ku-xigeenka Barlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed oo hogaaminayay Xildhibaadaan ayaa falkaasi ku tilmaamay mid aad u fool xun isla markaana xaqiijinaysa Musuq-maasuqa baahsan iyo ku takri falka awooda dowladnimo oo ay wadaan Saddex masuul ee ugu sareysa Galmudug.

“Marnaba Ujeedkeeda ma hor istaagi karaan ragaan isku bahaystay Musuq-maasuqa, Maxamed Xaashi Cabdi waa nin haysta Dhalashada dalka Ingiriiska, dowlada Ingiriiska ayaana gaarsiin doonaa Musuq-maasuqa uu ka sameeyay Doorashada Xildhibaanada Federaalka ee Galmudug lagu soo doortay, waxayna dowladiisa dhawaan digniin kasoo saartay waad ogeydeen waxaana filayaa in dhalashada lagala noqon doono markaan usoo bandhigno Video-yo iyo Cadeymo aan ka hayno isaga iyo Cabdikariim Guuleed musuq-maasuqa ee Galmudug ka geysteen” ayuu yiri Guddoomiye Xareed Cali Xareed.

Guddoomiye Xareed Cali Xareed waxuu sheegay inay xarun cusub ka sameysanayaan gudaha Cadaado isla markaana maanta oo AXAD ah ay xil ka qaadis ku sameyn doonaan Madaxweyne Guuleed iyo Guddoomiyaha Barlamaanka Cali Gacal Casir.

Halkan Hoose Riix Codad Sir ah oo aan Helnay

 AQRISO  HADALKA GUDDOOMIYE XAREED CALI

Kadib markii uu Warbaahinta uu gaaray warkaasi ku saabsan in Xildhibaanadaasi loo diiday inay xaruntooda Cadaado ku shiraan loona adeegsaday awood ciidan ayaa waxaa waraaqo iska soo daba saaray Guddoomiyaha Barlamaanka Galmudug iyo Madaxweynaha Galmudug.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Cali Gacal Casir oo ku sugan Muqdisho ayaa qoraal uu soo saaray ku sheegay in Kalfadhiga 4aad ee Xildhibaannada Galmudug oo shalay furmi lahaa dib loo dhigay muddo 45 Casho.

Fasaxa la kordhiyay ee Baarlamaanka Galmudug ayuu Guddoomiye Gacal ku sheegay inay tahay abaaraha adag ee ka jira Galmudug darteed iyo xaalada kala guur ee dalka ka socda,

Sidoo kale, Madaxweynaha Galmudug Cabdikariim Xuseen Guuleed oo isagana ku sugan magaalada Muqdisho ayaa warqad uu soo saaray waxuu joojiyay guud ahaan howlihii Hay’adaha dowlada Galmudug ay ka wadeen Cadaado waxuuna tilmaamay in xili Doorasho uu dalka ka jiro isla markaana inta Doorashada ka dhaceyso aysan wax shaqo ah ka dhici karin Galmudug, taasoo ah marmarsiyo uu rabo inuu kaga badbaado Mooshinka xilka loogu qaadayo ee Xildhibaanada ka wadaan Cadaado.

HALKAAN KA AKHRISO AMARKA GUULEED

Si kastaba ha ahaatee, Shacabka Galmudug ayaa si weyn u dhaliilsan hogaaminta Cabdikariim Xuseen Guuleed  waloow Cabdikariim Guuleed oo dhawaan Qaliin xaga Wadnaha ah lagu soo sameeyay  aya airntaasi ka dib waxaa soo if baxayay warar shegaya in uu gulledka Xilka isaga Dagayo Balse arintaasi aya ah mid dhalanteed ah sida hobyomedia,com ay u xaqiijiyeen ilo wareedyo ka agdhaw madaxweynaha balse waxa ay inoo shegeen in ay jiraan latalin caafimaad oo madaxweynaha la siiyay taasi oo ah in uu ka nasto siyaasada arintaasi aya loo fasiray in uu xilka iska dagayo waxana saxaafada gudaha ay baahinayen warar aan ku salaysneen xaqiiqda sida ay shegaayn ilo muhiim ah o ah agdhaw madaxweynaha galmudug kuwaasi oo siyaabo kala duwan ugu waramay warbaahinta caalamiga ahee hobyomedia.com oo baaritano kala duwan ku haysay wararakaasi horay u soo ifbaxay

Hobyomedia.com Wehelkaada ka Dhigo Markasta 

SAWIRADA XILDHIBAANADA LOO DIIDAY INAY SHIRAAN

LEAVE A REPLY