XOG CULUS: Yaa ka danbeeyay Guuldarada Faarax C/qaadir, Maxaysa tahay Sababta? AKHRISO

XOG CULUS: Yaa ka danbeeyay Guuldarada Faarax C/qaadir, Maxaysa tahay Sababta? AKHRISO

0
SHARE

Faarax C/Qaadir ayaa guuldaro weyn usoo hooyay Xisbiga Talada Haya ee uu Hogaamiyo Madaxweyne Xasan Sheikh – kadib markii uu ku guuldareystay inuu kusoo baxo kursigii uu utartamay ee gudoomiye ku xigeenka barlamaanka Soomaaliya.

C/Wali Sh Ibraahim Muudey ayaa ku guuleystay inuu helo codadka xildhibaanada ugu badan taas oo aheyd 165 cod halka Faarax Cabdi Qaadir uu isna helay 94 cod.

Hadaba Waa Maxay Sababta Guuldarada gaartay Faarax SH/Qaadir?

Dad badan ayaa aamisanaa in Faarax Sh C/Qaadir uu xilkan ku guuleysan karo maadaama uu aad ugu dhawaa xarunta madaxtooyada Soomaaliya.

Laakiin waxaa arintaas ka hortagay xildhibaanada cusub kuwaas oo diidanaa in madaxtooyada ay faragelin toos ah ku lahaato gudoonka barlamaanka.

Si kastaba, Xildhibaanada ayaa muujiyay iney diidan yihiin Damu-jadiid iyo in Faarax Cabdi Qaadir uu iyaga hogaamiyo, sababtaas ayuuna Muudey ku helay codadka ugu badan.

 Sidee Wax u Dhaceen inta Doorashada ay Socotay 

Shabakada Wararka  Hobyomedia.com ayaa si hoose u ogaatay in Faarax C/Qaadir uu taageeradii ka waayay xildhibaanadii ugu badnaa, laakiin waxaa xildhibaanada diiday ay yihiin kuwa kasoo jeeda Bay iyo Bakool.

Madaxweynaha maamulka Koofur Galbeed Shariif Xasan oo galaan gal siyaasadeed ku leh doorashadii socotay ayaa waxaa cadaatay inuu xildhibaanadii isaga taageersanaa ku amray iney kasoo horjeestaan Faarax Sh-Qadir.

Dhanka kale Qaar kamid ah Musharaxiinta madaxweynaha dowlada Soomaaliya oo ay kamid yihiin RW CC, Sh Shariif Sh Axmed iyo Gudoomiyaha barlamaanka Soomaaliya ayaa ku lug lahaa in Faarax uusan guuleysan.

Sababta ayaa ah in hadii Faarax C-/Qaadir uu guuleysan lahaa ay Xasan Sh usahlanaan laheyd inuu mar kale noqdo madaxweynaha Soomaaliya, maadaama ay saaxiibo isku xisbi ah yihiin

Nala Soco Daqiiad Kasta

LEAVE A REPLY