Daawo Muqaalka Maxkmadda ICJ oo diiday dalabkii Kenya Aqbashayna inay qaado dacwadda...

Daawo Muqaalka Maxkmadda ICJ oo diiday dalabkii Kenya Aqbashayna inay qaado dacwadda Badda

0
SHARE

Xaakimyada maxkamadda Cadaaladda ee Qaramada midoobeey ayaa go’aan ku gaaray inay dhageysan karaan dacwadda ku saabsan murankaa badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya.

Xaakimiinta Maxkaamadda ayaa u codeeyay kiiska ka dib markii ay ka hadleen sharci ahaanta doodda Soomaaliya iyo diidmada Kenya.

Maxkamadda oo la safatay Soomaaliya waxay meesha ka saartay doodda Kenya ee ah in labada dal ay muranka ku xalliyaan heshiiskii ay horey u wada saxiixdeen.

Hadda kiiska ay Soomaaliya gudbisay ayaa sii socon doono muddo sanado ah, waxayna ugu dambeyn go’aan ka gaari doontaa dalka iskaleh qeybta badda ee lagu muransan yahay.

Halkan Hoose Riix s aad u Dawatid Muqaalka

LEAVE A REPLY